Soomaaliya oo shaacisay cidda maalgelineysa ciidanka safka hore

Image
Cutubyadan ayaa waxay ka kala imaanayaa dowladaha dariska ah ee Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa difaacay inuu taageero ka raadiyay askar aan ATMIS ahayn oo ka kala imaanaysa Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti kuna biiraya dagaalka Al-Shabaab.

"Sannadkii 2012-kii markii aan xilka nimid waxaan xoreynay deegaanno badan oo Alshabaab gacantooda ku jiray, caqabado badan baa jiray, casharradii iyo khibraddii aan kaas ka barannay ayaa maanta saldhig u ah holwgallada aan wadno. Dadka Soomaaliyeed in ay dagaal ka qeyb-galaan ayaa udub-dhexaad u ah qorshaheenna maanta iyo guusha aan joogno," ayuu qeexay.

Waxa uu sheegay in wada shaqaynta dalalka safka hore ay ku koobnaan doonto 90 maalmood. Waxa uu xaqiijiyay in wajigii 2-aad ee howlgalka ciidamada uusan wali bilaaban.

"Alshabaab waxaan kasoo ciriirinnay dhankii Wabigii iyo dhankii Badda, meel dhexda ah bay ku jiraan, wajigii 1-aad waxa uu ahaa Hirshabeelle iyo Galmudug, Wajiga Labaadna waxa uu noqon Jubbaland iyo Koonfur-galbeed. Maanta waxaa Ilaah mahaddiisa ah in gaariga ka soo baxa Jowhar uu cabsi la'aan ku imaanaya Muqdisho," ayuu caddeeyay.

Dhaqaalaha ay helayaan ciidamadan aan ka tirsaneyn ATMIS ayuu ku nuux-nuux-sadey in ay bixinayana dowladahooda wallow dhowaan shir ka dhacay Uganda laga caddeeyay in $85 milyan laga sugayo Midowga Yurub.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa difaacay in xiriir dhow ay la sameeyaan dowladda Imaaraadka Carabta oo uu sheegay in ay ka caawisay tababaridda iyo qalabeynta ciidamada ammaanka ee qaabilsan amniga Muqdisho.

"Dowladda Imaaraatka Carabta waxa ay ka mid tahay saaxiibada naga taageerada dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. Waxaa naga dhexeeya xiriir qotadheer oo sanado badan soo jiray, weligeedna cadaawadi nama dhexmarin," ayuu ku adkeystay.

Wuxuu kaloo beeniyay inuu ku xad-gudbay awoodaha Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. "Awoodaha Ra'iisul Wasaaraha waxay ku qeexan yihiin dastuurka dalka, shaqada ugu badan ee deyn cafinta iyo xoreynta dalka waxaa hoggaaminaya Wasaaradaha Maaliyadda iyo Gaashaandhigga, labaduna waxay ka tirsan yihiin Golaha Xukuumadda, waana shaqada ugu ballaaran ee hadda socota. Xafiiska Madaxweynaha waxa ka socda waa talo-bixin iyo jiheyn, shaqadana waxaa fuliya Golaha Xukuumadda," ayuu yiri.

Waxa uu wacad ku maray in uu diyaarin doono doorasho toos ah oo dalka ka dhacda sanadka 2026-ka. "Waxaa iga go'an in aynan ku laaban hoolkii Afisyoone, dowladda qorshe ayaa uga deggan doorashada qof iyo cod. Maanta ayaa bilaabaynaa geeddi socodka 2026-ka," ayuu xusay.

Kulanka uu su'aallaha uga jawaabay Xasan Sheekh ayaa xalay waxa uu ka dhacay Hotel-ka Jazeera. Nabad-gelyadda ayaa aad loo adkeeyay si looga hortago weeraro halis oo ay geysan karaan kooxaha argagixisadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo heshiis cusub Qaahira kula galay Al-Siisi

Heshiiskaas ayaa ku saabsanaa iskaashiga dhanka amniga, ganacsiga, iyo arrimaha xuduudaha, gaar ahaan ka hortagga falalka argagixisada.

  • Soomaliya

    23-01-2025

  • 02:29PM

Cirro oo Mushahaarka u kordhiyay Ciidamada Somaliland

Madaxweyne Irro ayaa sidoo kale ballanqaaday in la hagaajin doono xirfadaha iyo awoodda ciidamada Somaliland.

  • Soomaliya

    23-01-2025

  • 09:36AM