Soomaaliya oo Shiinaha u cusbooneysiisay heshiis buuq hareeyay

Image
Heshiiskan ayaa waxa uu xeerinayaa in doonyaha kalluumeysiga shiinaha ay badda Soomaaliya ka jilaaban karaan malaayga tuunaha xisaab la’aan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa cusbooneysiisay heshiis buuq uu hareeyay oo ay la gashay shir kalluumeysi taasoo laga leeyahay dalweynaha Shiinaha.

Heshiiskan ayaa waxa uu xeerinayaa in doonyaha kalluumeysiga shiinaha ay badda Soomaaliya ka jilaaban karaan malaayga tuunaha xisaab la’aan.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii Wasiirka Kheyraadka Badda, Axmed Xasan Aadan, uu la kulmay safiirka China u fadhiya Muqdisho, Fei Shengcha.

Wasiir Aadan ayaa ujeedada soo celinta heshiiska waxa uu ku sheegay “faa’iido wadaag” wallow uusan bixin sharaxaad dheeraad ah.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka wasaaraddiisa ayaa lagu caddeeyay in China ay ogolaatay in ay ka caawiso Soomaaliya horumarka waaxda kalluumeysiga dalka.

Dooda ugu weyn ee ka taagan heshiiskan ayaa ah in Soomaaliya aysan xakameyn karin tiradda kalluunka tuunaha ee Shiinaha qaadanayo iyo in ay ka dhalan karto xaalufinta kheyraadkan.

Kalluunka tuunaha ayaa ah nooc aduunka dhif iyo naadir ka ah, waxaana la helaa xiliyo gaar ah taas oo ka dhigan in uu biyaha Soomaaliya yimaado xilliyo gaar ah ayna ka faa’iideysan karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM