Soomaaliya oo shuruud ku xirtay soo celinta qaadka Kenya

Image
Dowladda Kenya ayaa horay u gubtay badeecooyin laga qaaday Soomaaliya si loogu iib geeyo Kenya.

NAIROBI, Kenya – Wasiirka beeraha Dowladda Kenya, Peter Munya, ayaa Jumcihii sheegay in muddo laba toddobaad gudahood ah lagu billaabi doono dhoofinta khaatka, xilligaas oo lagu wado in labada madaxweyne ay saxiixaan heshiis ganacsi oo rasmi ah. 

Munya ayaa sidoo kale sheegay in duulimaadyada tooska ah ee labada dal ay dib u billaabmi doonaan Talaadada.

Heshiis la xiriira adeegga duulimaadyada ayaa saxiixi doonaa mudada uu socdo shirka IGAD ee Talaadada lagu qabanayo Kenya, ayada oo Kenya ay fududeyn doonto xeerarka Visa-ha ee ku wajahan Soomaalida.

Dhowr ilo wareed oo la hadlay Garowe Online ayaa u sheegay inuu socdo wadahadal u dhaxeeya labada dhinac oo waxyaabaha looga arrinsanayo uu ku jiro khaatka, balse aanu jirin heshiis rasmi ah oo arrintan laga gaaray. Ilaha aan xiganayno ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay diirada saaraysa 3 qodob ka hor heshiiska.

Hadaba Soomaaliya maxay doonaysaa in ay ku badalato Jaadka Kenya u soo dhoofinayso Soomaaliya?

East African Community

In muddo ahba Soomaaliya ayaa raadinaysay in ay xubin ka noqoto Ururka Bulshada Bariga Afrika, oo hadda ka kooban toddobo waddan oo kala ah: Kenya, Uganda, Tanzania, Burundi, Rwanda, Suudaanta Koonfureed iyo Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Koongo.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii uu wadahadalkan furmay waxyaabaha ay Kenya ka codsatay waxaa ka mid ah in ay kala shaqeyso sidii ay uga miro dhalin lahayd hammigeeda ku aaddan ku biiritaanka ururkaas oo magaciisa loo soo gaabiyo EAC.

Kenya ayaa ka mid ah xubnaha ugu firfircoon ee EAC, waxayna kaalin weyn ka qaadatay ka mid noqoshadii Koonfurta Suudaan ee ururka oo ah dalkii ugu dambeeyay ee ku biira.

Dalalka ku mideysan dalladdan ayaa wadaaga xiriir dhow. Dhammaan muwaadiniintooda ayaa loo oggol yahay in ay waddamadan isaga kala gooshaan, ganacsi xor ahna isu kala gudbiyaan si fudud.

Ujeeddada ay Soomaaliya ka leedahay xubinnimada EAC waxaa ugu wayn in la xoojiyo dhaqdhaqaaqyada ganacsiga ee Soomaaliya iyo in dadka wata baasaboorka Soomaaliya ay dal-ku-gal-la’aan ku dhex safri karaan waddamada ku jira ururkan Bariga Afrika.

Haddii ay arrintaas hirgasho, ganacsatada Soomaalida ayaa heli doona xuquuq la mid ah tan dalalka kale, waxayna heli doonaan fursado ay badeecooyinkooda kala duwan ku dhoofiyaan.

Fududeynta safarka

Qodobbada muhiimka ah ee Soomaaliya ay ka rabto dhinaca Kenya waxaa ka mid ah in muwaadiniinta Soomaalida loo fududeeyo safarrada ay ku tagayaan Kenya.

Qof walba oo ku dhoofaya baasaboorka Soomaaliya ayaa marka uu tagayo Kenya laga doonayaa in uu qaato dal-ku-gal ka hor inta uusan diyaaradda raacin.

Mararka qaar waxay helista dal-ku-galka qaadataa dhowr bil, lacag badanna way uga baxdaa.

Inkastoo tan iyo sanadkii hore ay muwaaddiniinta Kenya ee u safraya Soomaaliya lagu qasbay inay online-ka ku sii dalbadaan dal-ku-galka, haddana waxaa horay caadi u ahayd in ay dal-ku-galka Soomaaliya qaataan marka ay ka degaan garoonka Aadan Cabdulle.

Dhoofinta Kalluunka

Ilaha dowladda Soomaaliya ee xogta aan ka helnay ayaa noo xaqiijiyay in Soomaaliya ay sidoo kale doonayso in Kenya loo dhoofiyo kalluunka Soomaaliya.

Qodobkan ayaa isagana ahaa mid dhowr jeer oo hore la soo hadal qaaday, qaybna ka ah ganacsiyada ugu waawayn ee dhex mari kara labada waddan ee deriska ah.

Soomaaliya ayaa doonaysa in suuqa kalluunka ay kasoo xareyso dhaqaale xoog leh, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Haddii la billaabo dhoofinta Kalluunka, waxay taasi waddada u furaysaa badeecooyin kale oo laga dhoofin karo Soomaaliya, sida dalagyada beeraha iyo xoolaha nool. Taas oo ay sii dheer tahay suuqa weyn ee dalalka ku bahooday Ururka Bulshada Bariga Afrika.

Dowladda Kenya ayaa horay u gubtay badeecooyin laga qaaday Soomaaliya si loogu iib geeyo Kenya ka dib markii ay ku tilmaantay ganacsi sharci daro, taas oo ka mid ah waxyaabaha xumeeyay xiriirka labada wadan ee darista ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: Booqashada Xamse ee Laascanood waa "Weerar" Ka Dhan ah Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, madaxda Somaliland ayaa si joogto ah uga digaya in Soomaaliya ay si toos ah u faragelisay arrimaha gudaha ee Somaliland.

  • Soomaliya

    20-04-2025

  • 09:24AM

Ciidamada Puntland oo Howlgallo Waaweyn kawada Buuraha Calmiskaad

Puntland ayaa muddo dheer ku guulaysatay inay ka hortagto kooxda ISIS iyo kuwa Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    20-04-2025

  • 08:59AM