Soomaaliya oo soo dhaweysay safiirka cusub ee Mareykanka

Image
Image
Image
Image
Wasiirka arrimaha dibadda ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee dowladda Maraykanku u soo magacowday Soomaaliya, Larry André.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga Labada Dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta, iyo diblomaasiyadda.

Danjire André ayaa, sida ay sheegtay wasaaradda, wuxuu soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada Dowladood.

Cali ayaa Danjiraha Cusub ee Dowladda Maraykanka ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM