Soomaaliya oo taageero horleh u heshay qaadida xayiraada hubka

Image
Hogaamiyeyaasha gobolka ayaa sheegay in dalka uu "horumar ka sameysay" maareynta rasaasta.

NAIROBI, Kenya - Madaxda Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayaa Arbacadii go'aan ku gaaray in ay si wadajir ah u qorsheeyaan istaraatiijiyad hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab iyo in ay abaabulaan taageerada gobolka si loo helo waqti ku habboon oo lagu qaadi karo howlgallada looga soo horjeedo maleyshiyada.

Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, William Ruto (Kenya), Ismaaciil Cumar Geelle (Jabuuti) iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali ayaa sheegay in ciidamada ammaanka oo si wanaagsan loo qalabeeyay ay guulo la taaban karo ka gaari karaan xoogaga xiriirka la leh shabakadda Al-Qaacida.

War murtiyeed ay ka soo saareen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kaidb shir madaxeed maalin socday ayaa madaxdu waxa ay ku xuseen in ay go’aansadeen in la sameeyo hannaan hawl-gal oo wadajir ah oo isku-xira awoodaha iyo howlgallada "si looga hortago loogana guuleysto cadowga".

Beesha caalamka ayay ka codsadeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay ay saartay "taasi oo u ogolaaneysa dowladda federaalka in ay si wanaagsan u qalabeyso ciidankeeda la dagaalanka argagixisada".

Soomaaliya ayay tibaaxeen in ay muujisay awood ay ku maareyn karto hubka ku soo badanaya xudduudaheeda, waxayna bogaadiyeen horumarka laga gaaray horumarinta awoodaha maamulka hubka iyo rasaasta, waxaana ay taageereen dadaallada Soomaaliya ee ah in gebi ahaanba laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dhammaadka 2023-ka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii Janaayo 1992-kii ku soo rogay Soomaaliya cunaqabatayn aan dhammaad lahayn ka hor inta aan qayb ahaan wax laga beddelin Febraayo 2007 si loogu oggolaado sahayda hubka ee ciidammada dawladda Soomaaliya. Hubka ayaa muhiim u ah ciribtitka kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidanka dowladda oo dagaal kula wareegay deegaanka Ceel-Baraf

Inkastoo aysan wali la shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalka, ciidamada iskaashanaya iyo Al-shabaab ayaa ku dagaalamay duuleedka Ceelbaraf.

  • Soomaliya

    04-03-2025

  • 07:32PM

Cunaqabataynta Al-Shabaab oo La Kordhiyay

Wakiilka Federaalka Ruushka ayaa ka jawaabay isagoo sheegay in "arrinta Yemen ay u baahan tahay in si gaar ah loo tixgeliyo."

  • Soomaliya

    04-03-2025

  • 01:04PM