Soomaaliya oo talaabo muhiim ah u qaadey deyn cafinta
MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ayaa buuxisay shuruudaha barnaamijka hal abuurka heerka xogta sanduuqa lacagta aduunka ee IMF ee loo yaqaano (GDDS) waxayna Soomaaliya markii u horeysay ku biirtay barnaamijkan oo ah mid muhiim ah.
Haashim Sheekh Cabdi Nuur oo ka mid ah howlwadeennada Hay’adda Statistic-ka Qaranka oo u warramay Universal Tv ayaa shaaciyey in Soomaaliya ay ka soo baxday shuruudaha nidaamka faafinta ee xogta guud ee ku aadan sanduuqa hay’adda lacagta adduunka IMF.
“Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ugu biirtay hal abuurka heerka xogta sanduuqa lacagta aduunka ee IMF, iyada oo la fulinayo shuruudaha nidaamka faafinta xogta guud,” ayuu yiri Xaashim Sheekh Cabdinuur oo faah faahin siinayey Telefishinka Caalamiga ah ee Universal.
Haashim ayaa sidoo kale tilmaamay in xogta Soomaaliya haatan wixii ka dambeeya lagu soo daabici doono bogga hay’adda, iyada oo ay la wadaagi doonto Hay’adda Statistic-ka Qaranka.
“Soomaaliya waa markii ugu horreysay ee ay ku biirto nidaamkan, waana markii koowaad ee Soomaaliya xogteeda si rasmi ah loogu faafin doono sadnuuqa adduunka” ayuu raaciyey.
Sarkaalkaan ayaa xusay in xogta aysan ku ekaan doonin arrimaha dhaqaalaha, balse ay ku jiri doonaan xoga kale oo muhiim ah, sida tirakoonka dadweynaha iyo arrimaha bulshada.
“Xogaha kale ee dalka ayaa qayb ka ah ee ay soo saarto Hay’adda Statistic-ka Qaranka, waxaa ka mid ah xogaha tirakoobka dadka, waxaa ka mid ah xogaha kale ee dhaqaalaha,”
Haashim ayaa sheegay in barnaamijkan uu muhiim u yahay Soomaaliya, isla-markaana ay hadda kadib ka soo muuqan doonto saaxadda aduunka oo uu tilmaamay in markii hore ay ka maqneyd, maadaama halkan lagu soo bandhigo xogaha waddamada aduuunka oo dhan.
“Waxay muhiim ugu tahay waxaan ka maqneyn saaxadda adduunka barmaanijka haddii aad website-ka gasho wadan walbo oo adduunka ka tirsan wuu ku jiraa,” ayuu yiri.
Ugu dmabeyn wuxuu xusay in barnaamijkan uu sidoo kale muhiimad gaar ah siin doono deyn cafinta Soomaaliya oo haatan mareysa meel aad u wanaagsan oo gabagabo ah. Soomaaliya ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay xoogaa horumar ah ka samaysay nidaamka dayn cafinta dalka taas oo horseeday in hay’adaha caalamiga ah ay aaminaan Soomaaliya.
GAROWE ONLINE