Soomaaliya oo wafdi u dirtay wadahadalada Itoobiya ee Turkiga

Image
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Macallin Fiqi ayaa hogaaminaya wafdigan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta u ambabaxay caasimadda dalka Turkiga ee Ankara.

Wafdigaan ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga, iyagoo matalaya Dowladda Soomaaliya, waxayna ka qayb gali-doonaan wareegga labaad ee wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya, kaas oo ay garwadeen ka tahay Dowladda Turkiga sida ay sheegtay Wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya.

Wadahadalkan ayaa lagu wadaa inuu magaalada Ankara ka furmo maalinta Isniinta ah ee 12 August, 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM