Soomaaliya oo Wajahaysa Khatarta Dagaalyahanno Shisheeye oo Tababar Qaatay

Image

NAIROBI – Khatar cusub ayaa ka soo korortay gudaha Soomaaliya, iyadoo dagaalyahanno shisheeye oo si gaar ah u tababaranaya ay ka mid noqdeen kooxaha argagixisada, sida Al-Shabaab iyo Daacish, sida ay sheegeen khubaro amni iyo mas’uuliyiin Soomaaliyeed.

Dagaalyahannadan, oo badankood kasoo dagaalamay dalal ay colaado ka dhaceen sida Suuriya, Ciraaq iyo Yemen, ayaa la sheegay inay bixiyaan tababarro ciidan oo sare, taageero dagaal iyo talooyin la xiriira weerarrada, mararka qaarna ay sidaas u sameeyaan lacago darteed, mararka kalena sababo la xiriira fikir xagjirnimo.

Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed iyo warbixin Qaramada Midoobay ay daabacday ayaa sheegay in khatarta ugu weyn ay tahay xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Shabaab. Xuutiyiinta, oo ay taageeraan Iran iyo kooxda Xizbullah, ayaa lagu eedeeyay inay hub iyo tababar siiyeen dagaalyahanno Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad ugu eedeeyay Xuutiyiinta inay hub u gudbiyeen Al-Shabaab iyo Daacish. Khubaro caalami ah ayaa ka digaya in arrintani ay dhibaato ku keeni karto xasilloonida Bariga Afrika, iyadoo ay khatar ugu jiraan dalalka deriska ah sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti.

Sidoo kale, burcad-badeedka Soomaaliyeed ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan Gacanka Cadmeed, taasoo la aaminsan yahay inay la xiriirto falalka Xuutiyiinta ee Badda Cas. Waxaa la tuhunsan yahay in taas ay fursad u noqotay tahriibinta hubka loo gudbinayo kooxaha xagjirka ah.

Bishii Janaayo, koox ka tirsan Daacish oo ku sugan Puntland ayaa fuliyay laba weerar oo ay ku adeegsadeen diyaarado aan duuliye lahayn (drone), taasoo ahayd markii ugu horreysay oo ay adeegsadaan noocaas hubka. Al-Shabaab-na waxaa lagu tuhunsan yahay inay sidoo kale heleen diyaarado drone ah oo ka yimid Xuutiyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM