Soomaaliya oo xudun u ah mowjad kusoo fool leh Geeska Afrika

Image
Dalka si faxdar leh u fahma qaabka loo baan-dheeyo turubka siyaasada Soomaaliya ayaa guusha u dhow.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dib-u-doorashada bishii May ee muddo xileedka labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiiragelisay danaha Masar ee Soomaaliya, sida uu ku waramay wargayska Al-Monitor ee ka faalooda arrimaha carabta iyo geeska Afrika.

Maxamed Cabdiwaaxid oo horay uga tirsanaa jiray sirdoonka Masar oo ka jawaabayey su’aal uu wargeyska Al-Monitor waydiiyey oo aheyd waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay Masar ka dooneyso Soomaaliya.

"Soomaaliya waxay door muhiim ah ka ciyaartaa isku dheelitirka loolanka ka dhex jira dowladaha Afrika ee ku saabsan qabsashada gobolka, sida damaca Itoobiya, sidoo kalena waxay muhiim u tahay loolanka caalamiga ah ee Afrika," ayuu yiri.

Abdel Wahed oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay “Masar waxa ay taageertay mowqifka Soomaaliya tan iyo markii la riday taliskii Siyaad Barre [1991] iyo guulihii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed [1997] iyadoo la ilaalinayo xiriir dheeli tiran oo ay la leedahay dhammaan gobollada Soomaaliya.”

Qaahira waxa ay u fidisay barnaamijyo taageero iyo deeqo ah Somaliland, waxayna marar badan isku dayday inay taageerto wada-hadal dhex mara Somaliland iyo dawladda Faderaalka Soomaaliya, intii uu xilka hayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Abdel Wahed oo ka hadlayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa yiri “Marka loo eego siyaasadii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu u muuqdaa mid u furan gobolka Carabta, taas oo ka soo horjeeda siyaasadii colaadeed ee uu qaatay Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo doonayay in uu xulafo la yeesho Turkiga oo uu galo xerada Eritrea iyo Itoobiya".

Maxamed Cabdikariim oo ah cilmi-baare ku takhasusay arrimaha Afrika kana tirsan Jaamacadda Qaahira, ayaa u sheegay Al-Monitor in dowladda Masar ay ka fileyso Xasan Sheekh Maxamuud dabacsanaan iyo wada-shaqeyn.

Fahanka turubka siyaasada Soomaaliya

“Waxaan filayaa inay soo noqoto furfurnaan iyo wada- shaqayn xooggan oo Masar iyo maamulka cusub ee Xasan Sheekh, gaar ahaan marka la eego in xukuumaddii hore ee Farmaajo ay ahayd tii ugu liidatay Masar gaaar ahaan danaha geeska Afrika oo uu ku jiro isu soo dhawayntiisa Itoobiya iyo Turkiga oo ka soo horjeeda danaha Masar.”

Axmed Askar, oo ah cilmi-baare arrimaha Afrika kana tirsan xarunta Al-Ahram ee daraasaadka siyaasadda iyo istiraatijiyadda, ayaa u sheegay Al-Monitor, “Waxaa lagama maarmaan ah in Masar ay si degdeg ah ugu dhaqaaqdo soo celinta iyo fahamka turubka siyaasadda Soomaaliya maadaama uu ka mid yahay cadaadiska taariikhiga ah, haddii ay Masar fahamto sida ay u socoto siyaasadda Soomaaliya waxaa sare u kacayo saameynta ay ku leedahay geeska Africa”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata  waxa uu yiri “Arrinta amnigu waxa ay noqon kartaa albaab iskaashi oo xooggan oo u dhexeeya Masar iyo Soomaaliya, marka la eego khibradda gaarka ah ee Masar u leedahay dhinaca farsamada iyo tababarka ciidanka.”

Askar ayaa dhanka kale qiray in Masar ay heysato xisaab kale, wuxuuna yiri: "Xisaabinta Masaarida marka ay timaado feylka Soomaaliya waxa laga yaabaa in ay noqoto mid adag marka la eego danaha Khaliijka ee sida xooggan uga jira Soomaaliya xilligan".

Isla markii uu Xasan Sheekh noqday madaxweynaha Soomaaliya waxa uu la kulmay safiirada Qatar, Imaaraadka iyo Turkiga, waxaana go’aankiisii ugu horeeyay uu ahaa inuu soo celiyo 9.6 milyan oo dollar oo Imaaraadku lahaa oo dowladii hore ay la wareegtay.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ah mid istiraatijiyadeed oo muhiim ah ayaa Masar siisay xoogaa fursad ah, laakiin Qaahira ayaa wali si taxadar leh u muujineysa muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 04:23PM

Jubaland oo Wadahadal ugu baaqdey dowladda Soomaaliya

Wasiirka oo VOA ay wareystay ayaa ka hadlay soo noqoshada uu Kismaayo ku soo noqday Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo Kenya.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 07:20AM