Soomaaliya oo xukuntey ajaaniib lagu helay kalluumeysi sharci ah

Image
Eedeysaneyaashan ayaa u kala dhashay Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan iyo Pakistan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa Talaadada maanta ah waxa xukun isugu jira ganaax iyo magdhow ku riday 36 kalluumeysato u kala dhashay Iiraan iyo Pakistan.

Ajaaniibtan ayaa waxaa lagu xukumay in midkiiba uu dhiibo 11-kun iyo 30-kun oo dollar ganaax ah kadib markii ay ku heshay in ay jariif ka sameeyeen xeebaha Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa si guud loogu xukumay in ay bixiyaan 36-kun oo doolar-ka Mareykanka ah taasoo ah magdhow kalluunka ay ka qaateen badda Soomaaliya, sidda uu garsoorka shaaciyey.

"Wadarta lacagta ganaaxa ayaa dhan 396-kun doolar-ka Mareykanka ah," ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Garyaqaan Salaax Maxamuud Dabaan.

Xukumaneyaasha oo helay xuquuqda ay u leeyihiin qareeno si madax-banaan u difaaca ayaa waxay haystaan fursad ay rafcaan kaga qaadan karaan go'aankan.

Kalluumeysatada ayaa, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin kala duwan oo u dhuun-daloola kiiska, waxaa bishii April laga soo qabtay biyaha Soomaaliya iyo doomo ay wateen.

C/laahi Caddow, Agaasimaha Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya, ayaa bogaadiyay maxkamadeynta.

"Maraakiibta kalluumeysiga ee Iran oo ay saaran yihiin 36 shaqaale ah ayaa la xiray 10/4/23. Kalluumeysiga sharci-darrada ah, aan la soo wargelin iyo sharci la'aanta (IUU) ee ka kalluumeysiga biyaha Soomaaliya waxay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan haqab-beelka cuntada, horumarinta dhaqaalaha, madax-bannaanida iyo deegaanka badda Soomaaliya." ayuu yiri.

"Tani waa markii ugu horreysay oo ay la kulmaan tallaabo dhaqangelin ah oo sidan oo kale ah oo ay qaadaan mas'uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya," ayuu Mr Cadow hadalkiisa ku daray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM