Soomaaliya oo yabooh u sameysay dal ku biiray golaha amniga

Image
Xukuumadda Muqdisho ayaa ku adkeysatay in ay diyaar u tahay la shaqeyntan waddankan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa Jimcadii shalay khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee waddanka Gabon.

Cabdisaciid Muuse Cali iyo Pacôme Moublet-Boubeya ayaa, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal.

Cali ayaa, sida ku xusan bayaankan lagu faafiyey Facebook-ga, wuxuu dowladda Gabon ugu hambalyeeyey ka mid noqoshaheeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey horraantii bishan.

Sida ku xusan qoraalka, wuxuu "la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay si hufan uga la shaqeyso arrimaha khuseeya nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika".

Sidoo kale, Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray mustaqbalka xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Gabon, iyo sidii looga wada shaqayn lahaa horumarinta iskaashi miro dhal ah.

Iskaashigaas ayaa, sida ku cad war-saxaafadeedka, wuxuu "ku qotomaa danaha Labada Qaran, kaas oo taabanaya dhinacyada diblomaasiyadda, amniga, la dagaallanka argagixisada iyo dhaqaalaha".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM