Soomaaliya oo yabooh u sameysay dal ku biiray golaha amniga

Image
Xukuumadda Muqdisho ayaa ku adkeysatay in ay diyaar u tahay la shaqeyntan waddankan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa Jimcadii shalay khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee waddanka Gabon.

Cabdisaciid Muuse Cali iyo Pacôme Moublet-Boubeya ayaa, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal.

Cali ayaa, sida ku xusan bayaankan lagu faafiyey Facebook-ga, wuxuu dowladda Gabon ugu hambalyeeyey ka mid noqoshaheeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey horraantii bishan.

Sida ku xusan qoraalka, wuxuu "la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay si hufan uga la shaqeyso arrimaha khuseeya nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika".

Sidoo kale, Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray mustaqbalka xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Gabon, iyo sidii looga wada shaqayn lahaa horumarinta iskaashi miro dhal ah.

Iskaashigaas ayaa, sida ku cad war-saxaafadeedka, wuxuu "ku qotomaa danaha Labada Qaran, kaas oo taabanaya dhinacyada diblomaasiyadda, amniga, la dagaallanka argagixisada iyo dhaqaalaha".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM