Soomaaliya: Qadiyada Laascaanood oo hareysay Golaha Shacabka

Image
Xildhibaan ka hadlay fadhiga Aqalka Hoose ayaa si kulul u cambaareeyay "arxan-daradda" maamulka Muuse Biixi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kooban waxa uu Sabtida maanta ah uga doodey qadiyadda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo taagneyd shantii casho ugu dambeysay.

In ka badan labaatan ruux ayaa lagu khaarijiyey mudaaharaadyo ay dhigeen dadwayne ka careysay dilal qorsheysan oo kusoo kordhay magaaladda kuwaasoo dalbadey in Somaliland ay ka baxdo Laascaanood.

Xildhibaan Cabdi Qawdhan ayaa yiri: "Tacadiga lagu hayo shacabka Laascaanood waxaa geystay maamulka Muuse Biixi; qabiil ma geysan. Waxaan codsan lahaa in qadiydan aan maalin si fiican uga doodno".
 
Dhankiisa Xildhibaan Kooshin ayaa tibaaxay "Waxaan uga digaynaa maamulka Somaliland ku takrifalka iyo arxandarada ay ku hayaan shacabka Laascaanood. Waxaan bogaadinayaa shacabka ka dhiidhiyey falalka naf-goynta ciidamada maamulka Somaliland".

Xildhibaan Cabdi Xayir Maareeye oo horey u soo noqdey wasiirka warfaafinta dowladda federaalka ayaa golaha waxa uu ka sheegay in "maamulka Somaliland uusan dilin shacabka Laascaanood".

"Gacmo shisheeye in ay ku jiraan ayaan aaminsanahay dilalka Laascaanood waayo waxa la dilayo waa kuwii taageersanaa Somaliland. Warqadii kasoo baxdey Xildhibaanada Puntland waxaa ku jirtey qodob ah in ciidamada Puntland iyo dadka ha u gurmadaan dadka Sool — arrintaas ma qabato mansabkooda," ayuu raaciyay.

Xildhibaan Sahra Cabdullaahi Bun-dubte oo u jawaabtey Xildhibaan Maareeye ayaa sheegtay in laga doonayo caddeyn ku saabsan in maamulka Hargeysa uusan ka dambeyn dilalka.

"Xildhibaan Maareeye waxaa laga rabaa caddeynta in Somaliland aysan dilin shacabka Laascaanood, anaga muuqaal caddeyn ah ayaan u haynaa in uu ka dambeeyay maamulka Muuse Biixi," ayuu xusay.

Ugu dambeyn, Gudoomiye Aadan Madoobe oo sheegay in mowqifka rasmiga ah ee dowlada federaalka ee xaalada Laascaanood uu ka dhawaajiyey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

"Aniga ku hadlaya afka Golaha Shacabka waxaan ugu baaqayaa Somaliland in arrinta kasoo cusboonaatey Laascaanood ay halkaas ku hakiso oo aysan dib dambe u dhicin is-dil dambe oo nabad lagu soo dabaalo," ayuu ka dhawaajiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM