Soomaaliya: Saaxir 60 jir ah oo Dumarka kufsada oo lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada gobalka Banaadir ayaa maanta ku riday xukun xabsi 10 sano ah ninkaan oo ay ku heshay eedihii ay maxkamadu usoo jeediyay.

Abuubakar Maxamed Xasan "Shooble" oo da'da 60 jir ah ayay maxkamadu ku heshay in uu Sixir u adeegsan jiray haweenka la qabo isla markaasina uu ka duubi jiray muuqaalo Anshax xumo ah.

Gudoomiyaha maxkamada gobalka Banaadir, Saalax Dabaan oo ku dhawaaqay go'aanka maxkamada ayaa sheegay in ay ku heleen ninkaani sadex eedood oo loo soo jeediyay.

Dowlada Soomaaliya ayaa dar-dar gelinaysa wax ka qabashada tacadiyada haweenka ka dhanka ah kuwaasi oo badankood ku lammaan Maandooriyaha oo kooxaha isticmaala ay ku kacaan falal anshax xumo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM