Soomaaliya: Safarka Madaxweyne Ku-Xigeenka Jubbaland ee Gedo oo baaqday

Image

LUUQ - Madaxweyne Ku-Xigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu waday Maanta oo Isniin ah in ay safar ku tagaan Degmadda Luuq ee Gobolka Gedo, socdaalkaas ayaa baaqday iyada oo aan la shaacin sababaha keenay.

Waxaa la filayey in safarka Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Jubbaland ay ku wehliyaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda maamulka iyo xubno ka mid ah Golaha Wakiilada iyo Mas'uuliyiin kale.

Subaxnimadii hore ee saaka waxaa jirey diyaar garow ballaaran dhanka ammaanka ah oo laga dareemayay Degmadda Luuq, kaasoo loogu diyaar garoobayay soo dhaweynta Madaxweyne Ku-Xigeenka.

Safarka Maxamuud Sayid Aadan waxaa ka horeeyay dhaqdhaqaaqyo ciidan, kuwaas oo ku soo qulqulyey Degmadda si ay ugu kuur galaan xaalada amni. Luuq ayaa ka mid aheyd degmooyinka si aad looga soo horjeedaay Maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Booqashadan waxa ay ujeedkeedu tahay in Madaxweyne Ku-Xigeenka la fariisto dadka deegaanka, iyadoo ay u dheer tahay mashaariic horumarineed oo ay Dawladda Jubbaland Markii ugu horreysey muddo 5 sano ah ka fulineyso Gobolka Gedo.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in socdaalkan uu horudhac u ahaa imaanshaha Madaxweynaha Dawladda Jubbaland Axmed Madoobe oo la filayo todobaadyada soo socda in uu soo gaaro Gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM