Soomaaliya: Shaki hareeyay khaarijinta Korneyl Bakaal Kooke
KISMAAYO, Jubaland - Wuxuu ahaa shaqsigii ugu awoodda badnaa gobolka Gedo dhawrkii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna hormuud u ahaa hawlgaladii ugu waaweynaa ee gobolkaasi ka dhacay gaar ahaan dagaalkii ka dhacay Balad Xaawo ee lala galay ciidamadii Cabdirashiid Janan.
Habeen hore ayaa lagu diley qarax miino oo loo galiyay inta u dhaxaysa Dooloow iyo Luuq, hase yeeshee durba waxaa jira shaki ku hareysan dilkiisa, iyada oo taliyaha NISA ee federaalka Mahad Salaad uu amray in baaris lagu sameeyo xaaladaha ku gedaaman dilka Bakaal.
Dilkan ayaa yimid xilli xasaasi ah oo gobolka Gedo uu ku jiro hubanti la’aan siyaasadeed, waxa uu sidoo kale yimid kadib markii todobaad ka hor heshiis siyaasadeed la dhex dhigay Bakaal iyo guddoomiyaha Gedo, Axmed Buule Canjeex.
Labada nin ayaa muddo isku hayay maamulka iyo canshuuraha gobolka. Waxaa la sheegay in heshiiskani ay si qasab ah ku dhaqangaliyeen ciidamada Itoobiya oo tiro aad u badan ku jooga Gedo.
Dilka Bakaal ayaa sii cakireysa xaaladda siyaasadeed ee Gedo oo markii horeba qalafsanayd, iyada oo weli aysan dhinac u dhicin murankii abuurmay xilligii Farmaajo ee ku saabsanaa halka maamul ahaan Gedo ay hoos tagayso.
Maamulka Jubbaland ee madaxwayne Axmed Madoobe ayaa intii muddo ahba isku dayayay in uu gacantiisa kusoo celiyo maamulka Gedo, balse dedaaladaasi weli ma aysan suurtogalin.
Labo maalmood ka hor waxaa garoonka Muqdisho laga celiyay nin lagu magacaabo Cabdullaahi Shimbir oo la sheegay in siyaasad ahaan u raacsanyahay Axmed Madoobe. Cabdullaahi Shimbir ayaa ka mid ah siyaasiyiinta laga celiyay in ay tagaan Gedo.
Sida ay wararku sheegayaan, siyaasiyiin uu ka midyahay Senator Jeneraal Cabdullaahi Fartaag ayaa ku sugan dalka Itoobiya, iyaga oo wada dhaqdhaqaaqyo ay kaga soo horjeedaan Axmed Madoobe, kuna aaddan gobolka Gedo.
Awoodda maamul ee gobolka Gedo ayaa waxaa hadda si toos ah gacanta ugu haya ciidamada federaalka, balse madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Maxamed Islaam weli iskuma aysan fahmin sidii loo dhamayn lahaa arrinka Gedo oo taagneyd sanadihii ugu dambeeyay.
GAROWE ONLINE