Soomaaliya: Shir weyn mucaaradka u furmay  xilli xiisadda siyaasadeed taagan tahay

Image

MUQDISHO — Shir ballaaran oo ay leeyihiin mucaaradka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ka furmay magaalada Muqdisho, xilli ay weli taagan tahay muranka siyaasadeed ee la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka.

Shirkan oo ka dhacay Hotel Jazeera ayaa waxaa ka qeyb galay hoggaamiyeyaasha isbahaysiga mucaaradka ee loo yaqaan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, iyadoo diiradda lagu saaray walaaca laga qabo sida ay dowladda federaalka u maareyneyso doorashooyinka soo socda iyo hannaanka doorasho.

Ka qeybgalayaasha ayaa isugu jiray siyaasiyiin mucaarad ah, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, ganacsato, haween iyo dad barakacayaal ah oo taageersan madasha. Qabanqaabiyeyaasha ayaa sheegay in shirku ujeedkiisu yahay ururinta aragtiyaha bulshada, kuwaas oo hordhac u noqon doona shir weyn oo mucaaradku ku balansan yihiin magaalada Kismaayo.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in Soomaaliya aysan weli heysan amni iyo hay’ado u diyaarsan in lagu qabto doorasho qof iyo cod ah inta ka hartay muddada dowladda hadda jirta.

Kheyre ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay ku socoto go’aanno aan la isku raacsaneyn, isla markaana ay wax ka beddeleyso ama wiiqeyso qodobbada dastuuriga ah ee la xiriira jadwalka doorashooyinka.

"Doorasho qof iyo cod ah waa hiigsi qaran oo u baahan diyaargarow iyo hawl adag, balse madaxda dowladdu waxay ka dhigteen tab iyo xeelad ay u isticmaalaan muddo-kororsi aan laga aqbali doonin," ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

"Barlamaanka joogaa muddi kordhin ma samaysan karo, hadduu si sax ah u dhoco waxaa yeelanaya barlamaanka ka dambeeya, afartiisii sano waxaa lagu soo dhameeyey khilaaf, barakicin, lunsi hanti qaran iyo burburin ciidan", Sheekh Shariif oo ka digey muddo kororsi ay sameeyaan barlamaanka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa muddo dheer la daalaa-dhacaysay khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, kuwaas oo salka ku haya hannaanka doorashooyinka, fasiraadda dastuurka iyo arrimaha maamulka, taas oo abuurtay walaac laga qabo dib u dhac iyo xasillooni darro ka hor wareegga doorashooyinka soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM