Soomaaliya: Tirada duqeymaha Mareykanka fuliyey 2022-kii

Image
Taliska AFRICOM ayaa shaaca ka dhigay in howlgaladan aysan waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa war uu soo saaray ku sheegay in sanadkii 2022-kii uu Soomaaliya ka geystey illaa 15 duqeyn oo cirka ah, aysan jirin hal qof oo shacab ah oo duqeynta ku dhintay.

Taasi badelkeeda AFRICOM waxa ay sheegeen in duqeynta ay ku dileen wax ka badan boqol dagaalamayaasha Al-Shabaab ah, iyaga oo dowladda ka caawiyay in ay guulo ka gaaraan goobaha dagaalka.

Sanadkii 2021-dii Maraykanka wuxuu qirtay 11 duqeyn, kii ka horeeyay tirada waxa ay ahayd 45 , halka 2019-kii ay dhaceen 59 duqeyn, sidda laga soo xigtey warbixinta AFRICOM.

Duqeymaha cirka ayaa la ansixiyay 2001-dii sanad kadib markii la weeraray daarihii Maraykanka, Soomaaliyana waxa ay ka mid ahayd meelaha uu had iyo jeer Maraykanka ka fuliyo duqeymaha, halkaas oo lagu eedeeyay in dad shacab ah ay duqemaha waxyeelo kasoo gaaraan.

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Koongareeska ayaa cabasho u gudbiyay Aqalka Pentagon-ka sanad ka hor waxayna ka dalbeen in ay adkeeyaan xeerarka ku gadaaman weerarada, hubantina laga dhigo in shacabka aysan waxyeelo gaarin.

AFRICOM ayaanan weli soo bandhigin qasaaraha shacab ee weerarada qaar ee sanadkii hore dhacay, waxayna sheegeen in ay weli ku jiraan qiimeyn iyo hubsiinyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM