Soomaaliya: Tirada saxafiyiinta la dilay 20-kii sano u dambeysay

Image
Ururka suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF ayaa soo bandhigay tirokoob rasmi ah [Photo: Garowe Online].

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida lagu sheegay cilmi-baaris uu dhawaan daabacay ururka suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF, 20-kii sano ee lasoo dhaafay waxaa Soomaaliya lagu dilay 78-suxufi. Tani ayaa waddanka waxay ka dhigtay mid ka mid ah goobaha ugu khatarsan ee looga dhaqmo saxaafadda.

RSF ayaa tirokoobtay saxafiyiinta lagu beegsaday dilalka qorsheysan, weerarada gaadmada ah, dhimashada aagagga dagaalka iyo dhaawacyada dhimashada intii u dhaxeysay 2003 iyo 2022. Wadar ahaan, 1,668 wariye ah ayaa lagu dilay caalamka muddadaas. 

Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ugu khatarta badan caalamka ee saxaafada ay ka shaqeyso. Dalka waxaa soo maray colaado iyo xasilooni darro soo jireen ah, waxaana inta badan wariyaasha ay la kulmaan khataro badan oo ka dhasha arrimaha xasaasiga ah ama dhacdooyinka ka dhaca degaanada ay maamulaan kooxaha mintidka ah.

Qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya ayaa ah kuwo aan loo ogolayn in ay wariyayaal ka howlgalaan gaar ahaan dhulka ay ka taliso kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Iyadoo ay jiraan caqabadahaas, haddana qaar badan oo ka mid ah saxafiyiinta geesiyaasha ah ee Soomaaliya waxay sii wadaan inay ka shaqeeyaan sidii ay bulshada ugu soo gudbin lahaayeen sheekooyin iyo macluumaad muhiim ah.

Caqabadaha ugu waaweyn ee haysta saxafiyiinta Soomaaliya waxaa ka mid ah ilaalin la’aanta iyo taageerada dowladda. Tobaneeyo wariyeyaal ah waxaa bartilmaameedsaday kooxo kala duwan, oo ay ku jiraan ururada xagjirka ah sida Al-Shabaab.

Caalamka, Ciraaq iyo Suuriya oo ay colaado ka jireen ayaa ah meelaha ugu khatarta badan ee ay saxafiyiintu ka howlgalaan, marka la isku daro 578 wariye ayaa la dilay 20-kii sano ee la soo dhaafay, taasoo u dhiganta in ka badan saddex meelood meel tirada guud ee saxafiyiinta.

Waxaa ku xiga Mexico (125 la dilay), Filibiin (107), Pakistan (93), Afghanistan (81) iyo Soomaaliya (78). Tan iyo markii Ruushka uu gudaha u galay Ukraine bishii Febraayo, sideed wariye ayaa la dilay marka loo eego 12 wariye oo la dilay 19-kii sano ee la soo dhaafay, sidda laga soo xigtey warbixinta kasoo baxdey RSF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay ahaayeen heshiisyada badan ee Cirro lasoo galay Imaaraadka?

Somaliland-na waxay xafiis diblomaasiyadeed ku leedahay UAE, taasoo muujinaysa xiriirka dhow ee ka dhexeeya labada dal.

  • Soomaliya

    30-01-2025

  • 06:01PM

Dadka ku nool Soomaaliya oo 50% aan haysan Koronto ku-filan

Madaxweynaha ayaa tilmaanay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan oo la xiriira cusboonaysiinta Tamarta.

  • Soomaliya

    29-01-2025

  • 05:59PM