Soomaaliya v Itoobiya: Labada qodob ee la isku mari la’yahay shirka Ankara

Image
Ilo-wareedyo dublamaasiyadeed ayaa sheegay in wufuud ka kala socotay labada dal aanay yeelan kulamo fool ka fool ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa wada-hadallo aan toos ahayn ku leh magaalada Ankara ee dalka Turkiga, iyadoo labada dhinac ay isku dayayaan inay soo afjaraan khilaafkii dublamaasiyadeed ee ka dhashay heshiiskii Itoobiya ay la gashay maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland.

Ilo-wareedyo dublamaasiyadeed ayaa sheegay in wufuud ka kala socotay labada dal aanay yeelan kulamo fool ka fool ah. Taas bedelkeeda, Turkigu wuxuu ciyaarayay doorka dhex dhexaadinta ee labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa si gooni gooni ah ula kulmay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taye Atske Selassie ee Itoobiya.

Sida laga soo xigtay sarkaal ku dhow wada-hadallada, oo codsaday inaan la aqoonsanin sababtoo ah xasaasiyadda ku xeeran, Fidan waxa uu dhinacyadda la kulmay laba jeer Isniintii si ay u soo yareeyaan khilaafkooda.

Arrimaha ugu muhiimsan ee laga wada tashanayo ayaa loo malaynayaa inay ka mid yihiin halka uu ku dambayn doono heshiiskii is-afgaradka ahaa ee muranka dhaliyay, ama MOU, ee ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland 1-dii January, iyo raadinta Itoobiya oo dhinaca badda ah.

"Waxaa la isku haayaa luuqada looga laabanayo heshiiskaas iyo hanaanka Itoobiya ay badda ku helay so," ayuu yiri diblumaasi la hadlay Garowe Online oo magaciisa ka gaabsaday.

Sida heshiiska qayb ka ah, Somaliland waxa ay Itoobiya ka kirayn doontaa dhul dhan 20 kiiloomitir (12 mayl) oo ah dhul xeebeedkeeda si ay uga samaysato saldhig ciidamada badda. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay aqoonsan doontaa madaxbannaanida Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM