Soomaaliya: Waa maxay qodobada uu Xasan Sheekh kala hadlay Galmudug?

Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Shirka ayaa ugu horeyn diirada lagu saaray xaalada amaanka iyo qorshaha dhow ee lagu xoraynayo deegaanada ay haatan gacanta ku hayaan kooxda al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii uu Shirka socday ku nuuxnuuxsaday siyaasadda cad ee dowladda ee ku aaddan la dagaalanka Al-Shabaab, taasoo ka kooban saddex arrimood oo muhiim ah oo kala ah dhaqaalaha, fikirka iyo howlgallada ciidamada.

Wuxuu muujiyay sida ay uga go’an tahay in si deg deg ah loo dhameystiro wajiga 1-aad ee dagaalka lagula jiro al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay dadaalka ay dowladdu ugu jirto tayeynta iyo tababarida ciidamada qaranka oo guulo la taaban karo laga gaaray.

Madaxweynaha ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Dhuusamareeb. Khubarada ayaa siyaabo kala duwan u fasiray go'aankan, qaar ka mid ahna waxa ay u arkeen inay dhiiri gelin u tahay Ciidamda Qalabka Sida, gaar ahaan kuwa ka howlgeli doona gobolka Galgaduud.

Hadii lagu guuleysto xoreynta degmada Ceelbuur iyo deegaanada kale ee ka tirsan gobolada Sh/dhexe iyo Galgaduud, waxaa la filayaa inay arrintaas wiiqdo awooda Al-Shabaab ay ku leeyihiin Gobolada Dhaxe.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa magacaabay guddi arrimaha xasilinta ee deegaannada la xoreeyay iyo kuwa la xoreyn doono oo ka kooban toddobo wasaaradood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM