Soomaaliya: Wasiir Axmed Macalin Fiqi iyo galka federaalka

Image
Fiqi waxaa loo fiirsan doonaa sida uu sanadaha soo socda u falkiyo Arrimaha federaalka ee weli cakiran.

MUQDISHO, Soomaaliya - Markii ugu horeysay ayuu wasiirka Arrimaha gudaha iyo federaalka Axmed Macalin Fiqi , tan iyo intii xilkaasi loo magacaabay uu wajahayaa qeybtii ugu adkayd ee hawlaha wasaaradda u yaala, waa nidaamka federaalkee.

Shalay wuxuu mid mid usoo dhoweeyay madaxda dowlad goboleedyada, wuxuuna inta ay joogaan u xilsaarnaan doonaa martisoorkooda iyo ka warqabkooda.

Dadka uu soo dhoweeyay waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor, oo ay mar xulufo siyaasadeed ahaayeen, balse markii dambe ay si weyn isugu dhaceen, iyada oo Fiqi si cad u dhaleeceeyay hoggaanka Qoorqoor. Balse hadda waxaa isu keentay masuuliyad ka weyn kala aragti siyaasadeed oo shaqsi ah.

Lama oga sida khilaafkaasi u saamayn doono wada shaqaynta labada dhinac.

Inkasta oo gorgortanka iyo heshiiska uu yahay mid u dhaxeeya madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxweynaha federaalka, haddane waxyaabaha lagu heshiiyo waxaa fulinteeda leh wasaaradda arrimaha gudaha , waana halka ay taalo caqabadda ugu badan.

Fiqi ayaa aad ugu faanay soo dhoweyntii uu u sameeyay madaxweynayaasha, taasi oo u muuqatay in ay soo celisay qabkiisii shaqsiyadeed, una ahayd guul siyaasadeed kadib jabkii kasoo gaaray doorashooyinkii Galmudug.

Wasiirnimada waxaa u dheer, xubinimadiisa xisbiga Daljir oo awood qeybsi siyaasadeed la sameeyay xisbiga Xasan Sheekh, meeshana lagama saari karo in xisbigani uu doonayo in uu xiriir wanaagsan la yeesho dowlad goboleedyada oo ay taalo awoodda rasmiga ah ee siyaasadda dalka.

Si kastaba ha ahaatee, wasiir Fiqi waxaa loo fiirsan doonaa sida uu sanadaha soo socda u falkiyo Arrimaha federaalka ee weli cakiran, lagumana qiimeyn doono shaqada qeybinta gargaarka iyo dhismaha dowladaha hoose oo ah arrimo farsamo, ee waxaa lagu qiimeyn doonaa sida uu u furo hal xiraalaha siyaasadeed ee hortiis cid kasta ku fashilantay, ee ah sixista nidaamka federaalka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM