Soomaaliya: WHO oo cambaareysay weerar ka dhacey Laascaanood

Image

(GO) - Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa Cambaaraysay weeraro ciidamada Somaliland ay ka gaysteen magaalada Laascaanood.

Weeraradaan oo dhacay 11 bishaan ayaa WHO ay sheegtay in lagu dilay shaqaale caafimaad iyo rayid kale.

" Beegsiga shaqaalaha iyo goobaha caafimaadku waa kuwo aan la aqbali karin.Caafimaad ku ma ahan Denbi" ayaa lagu yiri war murtiyeedka.

Ciidamada Somaliland ee ku sugan taliska Goojacadde ayaa sii wada duqeymaha aan loo meel dayin ee ay hubka culus ku garaacayaan magaalada Laascaanood.

War-saxaafadeedka WHO ayaa ku biiraya baaqyada caalamiga ah ee xal u helista colaada Laascaanood oo ay ku baro-kaceen boqolaal kun oo qof.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM