Soomaaliya: Xamse oo shir-gudoomiyey Kulan loogu hadlay amniga dalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta oo Khamiis ah shir-gudoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, kaasoo looga hadlayay amniga guud iyo dib-u-habeynta nidaamka dowladnimo ee casirga ah.

Ugu horeyn, goluhu waxa uu dhageystay warbixinno ay soo diyaariyeen xubno ka kala socday Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Arrimaha Gudaha, kuwaasi oo ka hadlay amniga dalka iyo howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka oo muddooyinkii dambe lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Intaa ka dib, Golaha Wasiirada ayaa bogaadiyay dadaallada dalka looga xoreynayo kooxaha argagixisada, iyadoo ay u dheer tahay guulihii ay ciidamadu ka gaareen howlgalladii ay dhawaan ku dileen boqolaal ka tirsan kooxda.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale la horkeenay nidaamka maaraynta waxqabadka iyo maareynta adeegga bulshada, kaasoo wax badan ka tari kara isbedellada qeybaha dowladda, sida, maamul wanaagga, iyo hirgelinta istaraatiijiyado Soomaaliya u horseedi kara horumar dhaqan-dhaqaale oo degdeg ah. Sida laga soo wariyey warbaahinta dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ka dhigatay mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay mudnaanta siineyso, maadaama ay si toos ah uga shaqeyso maareynta xarumaha ciidamada.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xili kooxda Al-Shabaab ay wajahayaan howlgalo xoogan oo lagu xaqiijinayo amaanka; kaasi oo lagu dilay boqolaal kamid ah dagaalyahanadooda ku sugan gobolada dhexe iyo koofurta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM