Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dagaalka Al-Shabaab u tagaya Dhuusamareeb

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan tagi doona deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaasi oo diyaar garow ugu jira sidii uu u bilaaban lahaa wajiga labaad ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa dhawaan safar ku tagi doona magaalada Dhuusamareeb, iyadoo maalmihii la soo dhaafay uu ka socday diyaar garow ballaran oo lagu xaiijinayo amaanka magaalada.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada soo gaaray diyaarad sida boqolaal askari oo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, halka ciidamada Nabadsuggida ay dhulka soo mareen.

Waxaa la filayaa in Madaxweynaha uu dhiiragelin u sameeyo Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka ka hor inta aan si rasmi ah loo bilaabin howlgallada wajiga labaad.

Ciidamada dowladda ayaa ka qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyaga oo taakulo ka helaya ciidamada deegaanka iyo ciidama shisheeye oo ka kala socda dalalka deriska ah.

Wajiga labaad ayaa la filayaa in gabi ahaan lagu soo afjaro Al-Shabaabka ku sugan Gobolada Dhexe ee dalka. Kumanaan katirsan Ciidamada Dowladda ee dibadda lagu soo tababaray ayaa isku diyaarinaya in ka qeyb galaan gulufkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM