Su'aallo ka dhashay xirmooyin shidaal uu saxiixay shirkadda Coastline

Image
Warsidaha Garowe Online ayaa is-dultaagaya shan qaybood oo is-mari-waagga ugu badan uu ka taagan yahay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay guddi ka socday shirkadda Coastline Explorations ayaa wuxuu qalinka ugu duugay mulkiyada todoba xirmo shidaal.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxwaynihii hore ee dalka, iyo ra'iisul wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa siyaabo kala duwan uga hor-yimid heshiiskan iyaga oo ku qeexay "sharci darro".

Dhanka kale, Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in wax ka bedel lagu sameeyay shan qaybood oo kamid ah heshiiskan uu saxiixay wasiirkii hore ee Batroolka ee dowladda federaalka bishii February 2022.

Sidda ay sheegeen khuburo iyo falanqeeyeyaal u waramay barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da ee uu soo saaro wariye Haaruun Macruuf, shanta qaybood ayaa ah meelaha dooda ugu xooggan ay ka taagneyd waxaana wali muuqaneysa in ay ka taagan yihiin su'aallo.

1) Guddiga maamulka maaliyadda (FGC) oo ka kooban khubaro gudaha iyo dibaddaba waxay ku taliyeen in bixinta qandaraasyada shidaalku ay yimaaddaan oo keliya marka la qabto wareegyo sharci ah oo tartan ah, si loo helo daahfurnaan. Sidee loo maareeyay arrintan? Waa su'aal aan wali la sharaxin.

2) FGC waxay aqoonsatay welwelka ku saabsan u hoggaansanaan la'aanta qaab dhismeedka sharciga ee dowladda iyo in aan tixigelin badan la siin ilaalinta la'aanta danaha maaliyadeed ee gobolka. FGC ayaa xustey in aan Heshiisyada Wadaagga Wax-soo-saarka (PSAs) la saxiixin karin ilaa laga dhaqan-geliyo canshuurta dakhliga warshadaha. Ma jiro sharci noocaas ah oo la sameeyay. Sidee arrintaas wax looga qbatey?

3) Shirkadda Coastline Explorations ayaa sheegtay faa'idada heshiiska ay tahay 50-50 balse ay jirto 15% oo u gaar ah iyaga. Immisa sano ayay qaadanaysaa kharashka soo kabashada? Waa maxay faa'iidada bilawga ah? Imisa sano ka dib wax soo saarka ayay Soomaaliya ku qaadanaysaa in ay hesho faa'iidada ugu badan?

4) Xilli la aasaasay 2018, Coastline Exploration waxay heshiis qandaraas kula jirtaa Soma Oil & Gas, shirkadda aruurisay xogta sahminta shidaalka Soomaaliya. Heshiiskan wuxuu siiyay Soma Oil, xuquuq ay ku maamusho 12 xirmo. Illaa haatan waxaa la xaqiijiyey 7 xirmo shidaal. Maxaa laga yeelayaa 5-ta xirmo kale? Dowladda ma waxay qorsheynaysaa in ay balaariso?

5) FGC waxa kale oo ay ku talisay in dawladaha xubnaha ka ah dawladda dhexe si sax ah loogu daro hannaanka heshiisyada shidaalka. Talaabadan mala qaadey? Dawladdu heshiiska ma horgeyn doontaa baarlamaanka si loo meelmaryo? Heshiisku ma noqon doonaa mid dhamaan nuquladiisa si guud loo heli karo?

Dhanka kale, Shirkadda Coastline Explorations oo qoraal soo saartey ayaa xaqiijisay in Xasan Sheekh iyo Dowladda Soomaaliya ay ansixiyeen Heshiiskii Wax-Soosaar Wadaag ayna taageereen barnaamijka sahminta shidaalka ee ay qorsheynayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM

Xasan Sheekh: Dagaalka Al-Shabaab waa nagu adkaadey

Dowladda ayaa haysta caqabado badan oo ku aadan dagaalka, taasoo hakad gelisay howlgalkii socday, waxayna tani fursad siisay Al-Shabaab oo weeraro soo qaadey.

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 09:41AM