Su'aallo kasoo noqotey dadka loo xiray is-qarxinta Jaalle Siyaad

Image
Taliyihii Akadeemiyada Jaalle Siyaad, ayaa shalay lagu arkay xarunta; ma uusan xirneyn, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdifitaax Qaasim oo la hadlay Baarlamaanka ayaa sheegay in 14 isugu jira saraakiil iyo askar loo xiray qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 24-kii bishan July ka dhacday Kuuliyadda Jaalle Siyaad.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah taliyihii akadeemiyadda, sida uu yiri. Balse Taliyihii Akadeemiyada Jaalle Siyaad, ayaa shalay lagu arkay xarunta; ma uusan xirneyn, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxaas oo uu ku tilmaamay "fal fulaynimo, arxan la’aan iyo diin la’aan ahaa".

Weerarkan dhacay Isniintii lasoo dhaafay ayaa waxaa lala beegsaday xeradan ciidan, waxaana uu galaaftay nolosha 25 askari, in ka badan 70 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur, oo loo yaqaano Aadan Madoobe oo muuqaal gaar ah soo duubay, ayaa sheegay in uu tuhunsan yahay in “khiyaannooleyaal” ay fududeeyeen qaraxaas.

"Waan ogahay in saraakiisha ay ku jiraan dad wanaagsan, dadaal badan, sharaf leh, laakiin khaa'inul waddan ayaa fududeeyay arrintan. Aad ayaan uga shakisanahay. Waa wax aan loo dulqaadan karin,” ayuu ku yiri.

Ururka Al-Shabaab ee gacan-saarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka. War qoraal ah oo ay Al-Shabaab ku soo qoreen barta Telegram-ka ayay ku sheegeen in mid ka mid ah raggii is qarxiyay uu fuliyay weerarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM