Su'aallo laga keenay hadalo uu ka dhawaajiyey madaxweyne Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhaliilay qayb kamid ah hadalo uu madaxweyne Farmaajo ku sheegay wareysigii saddexaad oo uu bixiyey tan iyo markii la doortay.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa su'aallo ka keenay erayadda hogaamiyaha dalka, kuwaasoo tafaasiil dheeri ah in laga bixiyo u baahan.

Wareysiga oo laga qaadey intii uu ku sugnaa Addis Ababa, caasimadda Itoobiya, halkaasoo uu kaga qeybgalay shirka 33aad ee Midowga Afrika ayaa lagu tilmaamay "mid leyska indha tiray su'aalo muhiim ah".

Tusaale ahaan, waxaa la sheegay in aan lagu soo qaadin dagaalkii siyaasadeed ee gudoomiye Jawaari, xarigii wasiir Janan iyo Mukhtaar Roobow, qabashadii Qalbi dhagax si lamid ah mawduucyo badan.

Hay'adda Amneyst oo warbixin soo saartey shalay oo dowladda Farmaajo ku sifeysay "tii ugu xumeyd" ee saxaafada Soomaaliya ayaa ku eedeysay in ay handado ama ay laaluush siiso warbaahinta madaxa banaan.

"Waraysiga waxaa iiga soo baxay in Madaxweynaha iyo wiil aan adeerkiis ahay oo Facebook ka difaaca ay isku garasho siyaasadeed yihiin, sababtoo ah fadhi ku dirirkii uu wiilku Facebook la fadhiyey ayuu Madaxweynihii fagaaraha la yimid. Haddii garasheedana lagu soo xadgudbo waa in aan is difaacnaa," ayuu Faceboob kusoo qoray Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Intaas waxaa wehlisa in madaxweyne Farmaajo uu ka gaabsaday ama uusan si toos ah uga jawaabin su'aallo muhiim ah oo ku saabsanaa khilaafka qaar kamid ah maamul goboleedyadda iyo ammaanka waddanka.

Hoos ka akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdirashuur

Madaxweyne Farmaajo wuxuu waraysigiisa uu Universal siiyey ku sheegay in doorashadii 2016 kii dhacday aysan sharci ahayn oo ay Dastuurka dalka waafaqsanayn.

Waxaan ka rabnaa in uu noo sheego sida uu Madaxweyne ku yahay? Mise inqilaab ayuu dalka ku qabsaday sida dhaqankiisa ka muuqata? Mise fariin hor dhac waaye oo ka dhigan doorasho uu isagu qaban in aysan sharci ahayn?

Waxaan kaloo ka rabnaa in uu noo sharaxo sida ciidanka uu Gedo ku dhurayo xadka Soomaaliya u difaacayo, iyadoo ay Kenya ciidankeedii gudaha Soomaaliya ku jiraan, mise dhabarkeedu xadka ka Ilaalinayaa? Sideey Itoobiya ku joojisay faragelinta Soomaaliya, sow tii ay isku maqaam ku qaabishay isaga Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, mise Madaxweyne Farmaajo Somaliland wuxuu u aqoonsaday dal aynu deris nahay?

Waraysiga waxaa iiga soo baxay in Madaxweynaha iyo wiil aan adeerkiis ahay oo Facebook ka difaaca ay isku garasho siyaasadeed yihiin, sababtoo ah fadhi ku dirirkii uu wiilku Facebook la fadhiyey ayuu Madaxweynihii fagaaraha la yimid.

Haddii garasheedana lagu soo xadgudbo waa in aan is difaacnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM