Taageero loo goobayo "guul dhameystiran" oo ka dhan ah Al-Shabaab

Image
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar xambaarsan qorshahan wuxuu ku gaarey Talyaaniga.

ROMA, Talyaaniga - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Roma ee dalka Talyaaniga oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo ku saabsan "xoojinta xiriirka faca-weyn ee dalkeennu uu la leeyahy Talyaaniga".

Sida ay sheegtay Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh oo marti-qaad ka helay madaxda dalkaas ayaa kulammo la qaadan doona dhiggiisa Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni.

Wadahadaladda ayaa, sidda ku xusan bayaanka, waxaa xoogga lagu saarayaa "kobcinta iskaashiga labada dal, xaaladda gobolka iyo hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Talyaaniga".

"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xambaarsan qorshaha qaran ee dabar-goynta argagixisada Alshabaab ayaa Madaxda Talyaaniga u soo bandhigaya dhinacyada ay danaynayso dowladda Federaalka Soomaaliya in laga caawiyo, si guul dhammeystiran looga gaaro dagaalkan, loona gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed xasilloonida iyo nabadda ay naawilayaan," ayay raacisay.

Hogaamiyeyaasha ayaa sidoo kale waxaa la rajeynayaa in ay kawada xaajoodaan qodobo taabanaya arrimaha horumarka gaar ahaan maalgashiga iyo dardargelinta mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha.

"Sidoo kale, Labada dal ayaa ka arrinsanaya iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, Warshadaha iyo waxbarashada, iyadoo Madaxda iyo diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Talyaaniga heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha dalkeeinna," ayay kusoo gabagabeysay Madaxtooyadda.

Talyaaniga ayaa kamid ah wadamadda ka taageera dalka Soomaaliya arrimaha ammaanka, dowlad dhiska iyo la dagaalanka Al-Shabaab wallow kaalintiisa aysan si weyn uga dhex-muuqan fagaareyaasha caalamka dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM