Taliska Asluubta Soomaaliya oo iska fogeeyay "baxsashada" wasiir Janan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah dhinac isaga leexiyey wararka ku saabsan "in uu baxsaday" Cabdirashiid Nuur Janan.

Cabdiqani Maxamed Qalaf, afhayeenka taliskaas, ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay "dadka ayaan kala mid nahay wararkaas, anaga Janan noolama keenin, waxna kama ogin".

Saxaafada madax banaan ayuu ka codsaday in ay saxaan warar ay qaarkeed baahisay oo ahaa in uu ka fakaday xabsiga dhexe ee Ciidamada Asluubta ay gacanta ku hayaan.

Mas'uuliyiin uusan carabaabin ayuu sidoo kale ku waaniyey in ay joojiyaan "marin-habaabinta shacabka" kadib markii ay sheegeen in uu ka baxsaday Xabsiga Dhexe.

"Ninka la yiraahdo Janan ma naqaano, halkaan lama keenin, maxkamaduhu ma aysan noo keenin isagoo rumaan ah, isagoo xukumanna noolama keenin," ayuu daaha uga rogay.

Daaqadda

Shalay ayay ahayd markii Zakiya Xuseen, taliye ku xigeenka booliska, ay shaacisay in Janan uu ka baxsaday goobtii uu ku xirnaa.

Cabdirashiid Janan ayaa la qabtay bishii August 31-keedii sannadkii aynu soo dhaafnay 2019, waxaana dawladda Soomaaliya ay ku eedaysay inuu galay "dambiyo culus".

Xariggiisa ayaa waxaa cambaareeyey dowlad goboleedkeediisa Jubbaland oo ku qeexay "afduub iyo talaabo baalmarsan dastuurka qabyadda ah ee waddanka u yaala".

Dhinaca kale, qabashadiisa waxaa soo dhoweeyey hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International oo ku baaqday in maxkamad lasoo taago.

Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa illo wareedyo waxay kasoo xigatay in halka uu ka baxsaday "la geeyay shan maalmood ka hor".

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in goobta uu ka fakaday ay ku dhow xarunta nabad-sugida Soomaaliya ee loo yaqaano Habar Khadiijo kaabigana ku haysa Madaxtooyadda.

"Wuxuu adeegsaday meel daaqad ah markii uu baxsanayey," ayay yiraahdeen illo wareedyadda u waramay VOA-da, oo soo bandhigtay sawir lagu tilmaamay in uu yahay "meesha uu ka baxsaday".

Jubbaland oo shaki gelisay warkaas cod dheernna ku codsatay in ay meel ku sheegto "raq ama ruuxdiisa" ayaa ku adkeystay "wixii ku dhaca wasiir Janan waxaa mas'uul ka ah dowladda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM