Taliyaha AFRICOM oo Xasan Sheekh Muqdisho kula kulmay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa magaaladda Muqdisho booqasho gaaban ku tagey Taliyaha AFRICOM  General Michael E. Langley xili dowladda Soomaaliya mudo sanad ah hakad ku jira dagaalka Al-Shabaab.

Villa Somalia ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay kawada hadleen labada dhinac xiriirka iskaashiga amniga ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka iyo sidoo kale la dagaalanka argagaxisadda.

Safriika Mareykanka ayaa qeyb ka ahaa kulanka oo imaanaya iyadoo taliyaha Howlgalada gaarka AFRICOM Colonel David Haskell uu Axadii booqday degaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, oo dhawaan Al-Shabaab laga saarey.

Mareykanka ayaa kaalinta 1aad uga jira dalalka dowladda Soomaaliya ka taageera dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo dalka ka joogeen boqolaal askari oo saldhigyo ku leh Shabeellaha Hoose iyo Jubada Hoose.

Wuxuu Mareykanka tababar siiyaa oo gacanta ku hayaa Danab, oo ah qeybta howlgallada gaarka u qaabilsan Ciidanka xoogga dalka, kuwaasoo saldhigoodu yahay degaanka Baled-doogle oo Shabeellaha Hoose ku yaalla.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM