Taliyaha AMISOM oo tegay Gedo xili ay ka taagan tahay xiisado culus

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland – Taliyaha ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa shalay tegay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, sidda ay xaqiijiyeen warar kala duwan oo lagu kalsoon yahay.

Jeneraal Tigabu Yima ayaa si gaar ah u kormeeray saldhig ciidamadda Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ku leeyihiin magaaladaas.

Qoraal kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in uu kulan albaabada u xiran yahay uu la yeeshay saraakiisha hogaamineysa askartaas.

Bayaanka ayaa lagu xusay in ujeedka socdaalka uu salka ku hayey qorshaha bixitaanka AMISOM iyo guulaha howlgaladii u dambeeyay.

Socdaalkaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo gobolka ay ka jirto xiisad u dhaxeysa dowlada iyo Jubaland oo ka dhalatay ciidamo la geeyay halkaas.

Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay doonayso in Gedo ku dhisto maamul kadib markii ay ku guul-dareysatay inay xukunka ka tuurto Madaxweyne Axmed Madoobe oo mar labaad dib loo doortay 2019.

Ciidamadda Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa la tilmaamay in ay taageerayaan qorshaha ay damacsan tahay Nabad iyo Nolol.

Khilaafka Jubaland iyo dowladda ayaa u muuqda inuu sii xogeysanaya, iyadoo Kenya iyo Itoobiya oo kala taageerayaan labada dhinac ay qarka u saaran yihiin in ay isku dhacaan ciidamada ka jooga halkaas.

Magaalooyinka ay si buuxda u maamuleyso dowladda Soomaaliya ayaa kala ah; Beledxaawo, Doolow iyo Baardheere.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka amniga Cabdirashiid Janan oo ku sugan gobolka ayaa ku adkeystay in ay dib u qabsan doonan degmooyinka ay ka faramaroojisay dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM