Taliye cusub oo loo magacaabay Ciidanka Badda Soomaaliya

Image
Magacaabidan ayaa imaanaysa maalin kadib markii Xasan Sheekh uu kasoo laabtey waddanka Eritrea.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Gaashaanle Sare Mubarak Cabdiqani Muuse Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sida ay war-saxaafadeed ku sheegtay Madaxtooyadda Soomaaliya, Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15.

Xasan Sheekh ayaa faray Taliyaha cusub in uu sii amba-qaado qorsheyaasha qaran ee dib u dhiska Ciidamada Badda Soomaaliyeed, si loo helo ciidan awood u leh hanashada sugidda amniga marin-badeedyada dalka iyo difaaca xeebaheenna ballaaran.

"Xeerkan Madaxweyne oo waafaqsan qodobbada 80-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku dhaqan galay faafinta rasmiga ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Madaxtooyadda.

Magacaabidan ayaa kusoo aadaysa maalin kadib markii Xasan Sheekh uu kasoo laabtey Eritrea halkaasoo uu ku kormeeray cutubyo kamid ah ciidamo loo tababaray badda. Balse lama ogga waqtiga saxda ah ee askartan ay kusoo laaban doona dalka.

Mubarak ayaa kamid ah ciidamadda lagu tababaray waddanka Eritrea. Safarkii koowaad ee madaxwayne Xasan Sheekh uu ku tagay Asmara, Gaashaanlaha wuxuu kamid ahaa cutubyadii loo diyaariyey in ay salaanta siiyaan hogaamiyaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM