Taliye cusub oo loo magacaabay Ciidanka Booliska Soomaaliya

Image
Firin ayaa saami-qeybsi hoosaad waxay wadaagaan Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirada dowlada Federaalka ayaa taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya u magacaabey General Sulub Axmad Firin, sidda ay Garowe Online lagu baahiyey markii ugu horeysay.

Firin oo degaan doorashadiisa ay tahay maamul goboleedka Jubaland ayaa waxa uu waqti xaadirkan hayey xilka wasiir ku Xigeenka wasaarda duulista hawada dowlada Federaalka ah.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in uu faaruqin doono jagada uu ka hayey xukuumadda Xamse. Lama ogga qofka lagu badali doono iyo waqtiga lagu dhawaaqi doono magacaabidaas.

Taliyaha cusub ayaa wuxuu badali doonaa Cabdi Xasan Maxamed [Xijaar] kaasoo xilka taliyaha booliska Soomaaliya hayey tan iyo Aug 25, 2019 kaasoo ku dhashay gobolka Sool sanadka Markuu ahaa 1953.

Kumuu ahaa Jeneraal Xijaar?

Waxbarashadiisa aas-aasiga ah ayuu ku dhameystay gobolka Banaadir. Sanadkii 1975-tii ayuu kamid noqday arday ka qalin jabisay Jaamacada Ummada Soomaaliyeed.

Milatariga Soomaaliya ayuu ku biiray sanadkii 1977-kii. Tababarkiisii ugu horeeyay ayuu ku qaatay dugsiga General Daa'uud. Tababarka Kumaandooska ayuu ku soo qaatay Mareykanka iyo Jarmalka.

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka dowladda ee loo garan-og-yahay SONNA, Jeneraalka ayaa waxa uu dugsiga tababarka Degaanleey kasoo noqday tababare ciidan.

Kadib burburkii 1991-dii, agaasime ayuu kasoo noqdey Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyada dowlada federaalka ah eeSoomaaliya markii loo loo yaqaanay Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM