Taliye cusub oo loo magacaabay hogaanka Milatariga Soomaaliya

Image
Golaha Wasiiradda ayaa meelmariyay magacaabida General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga.

General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow ayaa loo magacaabay taliyaha milatariga kaddib soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga, sidda ku cad qoraal kasoo baxay xukuumadda.

Caddoow oo badalaya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raagge ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan oo ay kamid yihiin Taliyaha Ilaalada Ciidanka Xoogga dalka ee Madaxtooyada.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud ee Dowladda.

Sidoo kale, waxaa lagu meelmariyay Xeerka Dhismaha Xarunta Tubsan, Xeer Nidaamiyaha Ruqsadda Korontada, Xeer Nidaamiyaha Tariifada Adeegga Korontada iyo Qaraar ku saabsan Qorista Shaqaalaha Dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM