Taliye ku xigeen lagu dilay duleedka Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka laga helayo duleedka magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Ceelasha Biyaha lagu dilay taliye ku xigeenkii saddexaad ee Saldhiga Booliska deegaankaasi.

Sida ay u sheegeen warisdaha Garowe Online, mas'uuliyiin ka tirsan deegaanka, taliye ku xigeenka waxaa toogtey Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii sida la sheegay ay murmeen.

Maamulka deegaanka ayaa u xaqiijiyay GO, in taliye ku xigeenka oo lagu magacaabi jiray Maan Cumar Ibraahim [Weedow], lagana qaatay dilka kadib Baabuur uu watay iyo Qorigiisa.

"Askari ka tirsan ciidanka xooga ayaa Taliye ku xigeenkii saddexaad ee Saldhiga Booliska Ceelaha Biyaha, Maan Cumar Ibraahim [Weedow], ugu yimid gurigiisa, way is-raaceen, kadib Jidka ayuu ku dilay," Goobjooge ayaa sidaasi u sheegay GO.

Maamulka Deegaanka ayaa daboolka ka qaadey in ay socdaan howlgalo lagu soo qabanayo Askarigi falkaan ka dambeeyay, kaasoo aan wali la ogayn halka uu Jaan iyo Cirib dhigay.

"Sababtuu u dilay lama oga, balse, waxaa loo malaynayaa inay salka ku hayso lacago ay maalmihii u dambeeyay isku haysteen labadooda," Axmed Xasan, oo kamid ah Saraakiisha amniga deegaanka oo la hadlay GO ayaa sidaasi yiri.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Askari ka tirsan ciidanka xooga uu naf-gooyo masuul ka tirsan Taliskiisa, waxaana falalka noocaan ah ay noqdaan kuwa kusoo laablaabta deegaanada Soomaalida.

Deegaanka Ceelaha Biyaha oo ku yaalla duleedka Muqdisho ayaa caasimada Soomaaliya qiyaastii 18-KM uga toosan yahay dhanka Koonfur Galbeed, waxaana ka dhaca inta badan falal lidi ku ah amaanka, oo dilal iyo weeraro ugu badan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM

Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel-mariyey Wax-ka-beddelka Dastuurka xilli ay jirto Diidamo xooggan

Diidmadan ka timid Gollaa Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa kusoo aadaysa xilli ay socdaan baaqyo ku aaddan in la ilaaliyo midnimada.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 01:57PM