Taliye Odowaa oo ka hadlay weerarka Al-Shabaab ee Xawaadley

Image
Weerarkan ayaa imanaya ayada oo kooxda Al-Shabaab horey looga saaray dhul ballaaran.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka weerar khasaare nafeed dhaliyey ku qaaday saldhig ay militariga dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ilaa 75km waqooyi ka xiga Muqdisho, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal xooggan.

Weerarkan ayaa al-Shabaab ay u adeegsadeen qaraxyo iyo maleshiyaad weerar ah, waxaana iska caabiyey militariga, sida uu sheegay Taliyaha militariga Soomaaliya, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Militariga Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ayaa warar is-khilaafsan kasoo saaray khasaaraha dagaalkii halkaas ka dhacay.

Taliyaha militariga Jeneraal Odowaa ayaa xaqiijiyey dhimashada shan askari. Dadka dhintay waxaa ka mid ah sarkaal sare oo lagu magacaabay Col. Abshir Shataqey. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegtay inay dagaalka ku dileen 21 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarka ay ciidamada dowladda ku gaarsiiyeen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaraya illaa 63. Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta sheegashadooda.

Weerarkan ayaa imanaya ayada oo kooxda Al-Shabaab horey looga saaray inta badan gobolka Shabeellaha Dhexe iyo guud ahaan maamul goboleedka HirShabeelle, hase yeeshee waxay weli sii waddaa inay weeraro ka fuliso gobolka.

VOA + GO

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM