Taliyihii sirdoonka Soomaaliya ee Gedo oo qarax lagu dilay

Image
Lix askari kale oo uu ku jiro darawalka gaariga ayaa sidoo kale waxaa soo gaarey dhaawac.

KISMAAYO, Jubaland – Taliyihii hay'adda sirdoonka dowladda federaalka ee gobolka Gedo, Bakaal Kooke, ayaa lagu dilay qarax miino oo xalay lala eegtay, sidda ay xaqiijiyeen saraakiil amni iyo xubno kamid ah qoyskiisa.

Weerarkan ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ee gacansaarka al leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ee koonfurta Soomaaliya.

"Lix askari kale oo uu ku jiro darawalka gaariga ayaa ku dhaawacmay isla qaraxaan," ayay Garowe Online u sheegeen saraakiil amni. "Dhamaantooda waxaa la dhigay isbitaal oo lagu daaweynayo".

Marxuum Bakaal ayaa ka baxay degmada Luuq oo maalmihii lasoo dhaafay uu joogay. Safarkiisa waxa uu ku wajahnaa degmada Doolow si uu u soo dhaweeyo wafdi ka socdey dowladda federaalka.

Gobolka Gedo ayaa shantii sano lasoo dhaafay waxa uu xudun u ahaa is-qabqabsi siyaasadeed. Bakaal waxa uu maamulayey ciidamada dowladda federaalka ay halkaas geysay kana soo horjeeday Jubaland.

Dhinaca kale, agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa tacsi u direy qoyska taliye Bakaal, isagoo ku sheegey qoraal uu soo dhigey mid kamid ah barahiisa bulshada in baaritaan lagu sameeyo dilka loo gaystey taliyaha. 

Maamulka cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la rumeysan yahay in uu wado qorshe uu gacanta Jubaland dib ugu soo celinayo gobolka Gedo si looga abaabulo guluf ka dhan ah ururka Al-Shabaab.

Bishii hore ee November, saraakiil Itoobiyaan ah ayaa soo afmeeray khilaaf ka dhaxeeyay hogaanka gobolka Gedo kuwaasoo isku-haystay dhaqaale kasoo xarooda isbaaro iyo cidda yeelanaysa amaradda ugu muhiimsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM