Talyaaniga oo gaadiid ciidan ugu deeqay Dowladda Federaalka

Image
Image
Image
Image

March 5, 2015 (GO)- Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa maanta dekedda magaalada Muqdisho kula wareegtey  gaadiid kuwa ciidamada ah oo Dowladda Talyaanigu ku deeqday.

Gaadiidkan oo tiradiisu dhan tahay konton iyo afar gaari oo isugu jira nooca xammuulka ee ciidamada qaada iyo gaadiidka qafilan ee aysan xabaddu karin, waxaa la sheegay in loogu talo galay ciidamada booliska, militeriga iyo sirdoonka.

Bernando Mencaraglia oo ah sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaan-dhigga Talyaaniga ayaa qalabka ku wareejiyey saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya isagoo sheegay in deeqdani qayb ka tahay ballan qaadyo horay Talyaanigu ugu sameeyey Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Dowladda Federaalka Jen. Daahir Aadan Cilmi ayaa isna uga mahadceliyey Talyaaniga taageerada joogtada ah ee uu la garab taagan yahay dowladda Soomaaliya gaar ahaan ciidamadeeda qalabka sida.

Dhowr mar oo hore ayaa Talyaanigu qalab ciidan u siiyey Dowladda Federaalka, waase markii ugu horreysey ee gaadiid tiradiisu intan le'eg tahay hal mar loogu deeqo ciidamada Dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM