Talyaaniga oo gaadiid ciidan ugu deeqay Dowladda Federaalka

Image
Image
Image
Image

March 5, 2015 (GO)- Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa maanta dekedda magaalada Muqdisho kula wareegtey  gaadiid kuwa ciidamada ah oo Dowladda Talyaanigu ku deeqday.

Gaadiidkan oo tiradiisu dhan tahay konton iyo afar gaari oo isugu jira nooca xammuulka ee ciidamada qaada iyo gaadiidka qafilan ee aysan xabaddu karin, waxaa la sheegay in loogu talo galay ciidamada booliska, militeriga iyo sirdoonka.

Bernando Mencaraglia oo ah sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaan-dhigga Talyaaniga ayaa qalabka ku wareejiyey saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya isagoo sheegay in deeqdani qayb ka tahay ballan qaadyo horay Talyaanigu ugu sameeyey Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Dowladda Federaalka Jen. Daahir Aadan Cilmi ayaa isna uga mahadceliyey Talyaaniga taageerada joogtada ah ee uu la garab taagan yahay dowladda Soomaaliya gaar ahaan ciidamadeeda qalabka sida.

Dhowr mar oo hore ayaa Talyaanigu qalab ciidan u siiyey Dowladda Federaalka, waase markii ugu horreysey ee gaadiid tiradiisu intan le'eg tahay hal mar loogu deeqo ciidamada Dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM