Talyaaniga: Xasiloonida Soomaaliya waxay muhiim u tahay aduunka

Image
Image
Image
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Rome, Wasiirka Difaaca dalka Talyaaniga, Guido Crosetto.

ROMA, Italy - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan "miro-dhal ah" kula qaatay Rome, Wasiirka Difaaca dalka Talyaaniga, Guido Crosetto. Wasiir Crosetto ayaa "uga mahadceliyey Madaxweynaha booqashada iyo wada-xoojdyada ay yeesheen".

Nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ayuu xusay in ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada".

Xasan Sheekh ayaa "kala hadlay Wasiirka Difaaca Talyaaniga xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo milatariga, xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, gaar ahaan dib u habeynta ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada".

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa la kulmay Safiirka Maraykanka u fadhida Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Rome, Danjire Cindy McCain.

Qorshayaasha hortabinta u leh Dowladda Soomaaliya ayuu la wadaagay gaar ahaan dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha, "iyadoo mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo looguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara".

Danjiraha ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab iyo dadaalka dowlada ay uga hortagtay in macluul ay ka dhacdo Soomaaliya waxaana tilmaamtay in ay laba-laabayaan taageerada iyo garab istaagga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM