Tirada dagaalameyaasha Al-Shabaab iyo "jalka nafta kusii haya"
LONDON, UK - Tirada dagaalameyaasha maleyshiyaadka Al-Shabaab? Malaha waa su'aal ka guuxeysa dhagaha ama maanka qof kasta hase ahaatee aan wali jawaab rasmi ah loo helin marka laga reebo malooyin badan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aragti ka haysta qadiyada, isaga oo dabcan ku salaynaya xogaha sirdoon ee uu sida gaarka ah u helo maadaama uu yahay taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida.
Maqaal uu dhowaan ku qoray warbaahinta casriga ah, wuxuu ku qiyaasay tirada dagaalameyaasha Al-Shabaab inta u dhaxaysa 15 kun illaa 18 kun. Waa tiro aad uga badan qiyaasihii markii hore la haystay.
Khuburadda amniga sida agaasime ku xigeenkii hore ee NISA Cabdisalaan Guuleed ayaa sheegay in mitidiinta Al-Shabaab ay fursad badan heleen shantii sano ee uu dalka ka talinayay Farmaajo, xiligaas oo ay suurtogal tahay in ay heleen waqti ku filan oo ay dib isugu abaabulaan, ciidan badan u tabobartaan, islamarkaasna u kordhiyaan dhaqaalahooda.
Dhaqaalaha Al-Shabaab
Waa awood kale oo Al-Shabaab u sahasha abaabulista weerarada , duulaanada iyo dagaalada ay galaan. Waa shidaalka iyo jalka nafta kusii haya, sahaydana u ah weerarada aan kala joogsiga lahayn ee ay geystaan.
Qaramada Midoobay ayaa fikrad ka qabta dhaqaalaha ay Alshabaab haysato. Warbixin ay soo saartay UN ka waxa ay ku sheegtay in bishii ay canshuur ahaan u uruuriyaan wax ka badan $10 milyan oo doolar.
Waxaa aragtidaasi la wadaaga Machadka daraasaadka amniga ee Hiraal kaasoo uu aas-aasay Xuseen Macalin Cali, lataliyaha amniga qaranka. Daraasad uu sameeyay ayuu ku faahfaahinayaa dhaqaalaha soo gala.
Hase yeeshee ma jirto cid qiyaas rasmi ah ka haysata wadarta guud ee dhaqaalaha meel u yaala Al-Shabaab. Waxaase la isku raacsanyahay in ay saamiyo ku leeyihiin ganacsiyo shaqeeya oo macaash joogto ah laga helo.
Weeraradii ugu dambeeyay
Sida ay qabto Xarunta ACLED ee tirakoobta qasaaraha nafeed ee kooxaha argagixisada ka geystaan Afrika, sanadkani 2022-ka waa kii dadkii ugu badnaa ay Alshabaab ku laysay Soomaaliya marka la barbardhigo sanadihii ka horeeyay.
Dowladda Soomaaliya iyo Tan Maraykanka waxa ay isku raacsanyihiin oo ay sheegeen in qaraxyada iyo weerarada Al-Shabaab ay ka gaysanayso meelaha shacabka ku badanyihiin ay ugu wacantahay culeeska ka haysta furumaha dagaalka.
Weerarkii Soobe ee Sabtidii hore oo kaliya waxay ku dileen 129 qof sida ay sheegtay hay’adda maareynta masiibooyinka oo soo saartay tirakoob kama dambeys ah. 301 qof ayaa dhaawac ah, kuwaas oo 33 ka mid ah ay dhaawacyadooda halis yihiin, waxaana la la’yahay 13 qof.
Dowladda Soomaaliya ma hayso wax tirakoob guud oo ah tirada ay Alshabaab ku dileen dalka. Waxa ay sanadkani qaraxyo waaweyn la beegsadeen magaalooyinka Baladweyne, Jowhar, Muqdisho iyo Kismaayo.
GAROWE ONLINE