Tirada ardayda galaysa imtixaanka dowladda oo si weyn u korortey

Image
Tirokoobka lixdii sano ee lasso dhaafay ayaa muujinaya in sanad walba uu koror imaanayay.

MUQDISHO, Soomaaliya – Sabtidii shalay ahayd waxaa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya si rasmi ah uga billowday imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare kaas oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana u fariistay ilaa 35,000 oo arday ah.

Tirada ardayda ay dawladdu imtixaantay ayaa si joogto ah u kordhay lixdii sannadood ee u dambeeyay, laga bilaabo 20,000 arday (2016), 23,000 (2017), 27,600, (2018), 31,500 (2019), 32,849 in (2020), 32,849 in 2020,40.

Imtixaanka ayaa waxaa daah-furay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, waxaana wehlinayey wasiirka wasaaradda waxbarashada, Xildhibaan Cabdullahi Carab, iyada oo Rooble uu qaybiyey qaar ka mid ah imtixaanaadka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ardayda imtixaanka galaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysa kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda imtixaanka oo waqti badan la galiyey.

Sidoo kale wuxuu guul u rajeeyey dhammaan ardayda Soomaaliyeed, isaga oo xasuusiyey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono iyo  kaalinta ay nolosha ka geli doonaan, waxa uuna ardayda u rajeeyay guul iyo in Eebbe u fududeeyo imtixaanka.

“Runtii maanta farxad ayay ii tahay in aan daah-furo imtixaanka fasalka 4aad ee Dugsiga Sare, waxa aan leeyahay alle ha idiin fududeeyo, Waalidkii idinku soo tiir & tacab beelay in aad ka war heysaan, macalimiinta wax idin soo bartay meelkasta oo ay joogaan waxa aan leeyahay waad mahadsan tihiin” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in magaalada Baxdo oo shalay uu ka dhacay dagaal xooggan oo khasare lagu gaarsiiyay maleeshiyada Al Shabaab ay kamid tahay meelaha imtixaanka lagu galayo oo dowladdu amnigeeda ay sugtay.

Imtixaankan ayaa waxaa si wadajir ah looga fariistay maanta gobolka Banaadir iyo afar dowlad goboleed oo kala ah Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle. Puntland ayaa leh nidaam waxbarasho u gaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM