Tirada dhimashada Jaamacadda Gaarisa oo gaartey 147

Image

GAARISA, April 2,2015 (GO)- War kasoo baxey Wasaaradaa Arrimaha Gudaha Kenya ayaa lagu sheegay in tirada dhimshada weerarkii Al-shabaab saaka aroortii kusoo qaaddey Jaamacadda Gaarisa gaartey 147 qof.

Wararka ugu dambeeyey oo ka imaanaya magaalada Gaarisa ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Kenya dileen afar kamid ah kooxdii weerarka soo qaaddey kuwaasoo gudaha Jaamacada ku haysta dad aan tiradooda la cayimin.

Shan boqol iyo Sodon qof oo isugu jirta ardeyda Jamaacada iyo macallimiintooda ayaan ilaa hadda la hayn halka ay ku dambeeyeen iyadoo wararka qaarkood sheegayaan in kooxdan haystaan.

Ma jiraan wax wadahadal ah ee u dhexeeya kooxdaan iyo ciidamada dalka Kenya iyadoo goob joogayaal sheegayaan in howlgal millatari ka socdo qaybo ka tirsan dhismaha Jaamacada.

Dhinaca kale dowladda Kenya ayaa kordhisay lacagta ay duldhigtay Maxamad Kuno Gacmadhere,  waxay ka dhigtay 215,000 oo doollar. 

Weerarrada kooxda Al-Shabaab ka gaysato dalka Kenya ayaa la rumeysan yahay iney hoggaaminayaan labadaan oo nin kuwaasoo magacyadooda la yiraahdo Gacmadheere iyo Cali Imaan.

Madaxweynaha dalka Kenya oo maanta goor sii horreysay la hadley shacabka ayaa sheegey in dowladdiisa qaadeyso talaabo kasta ee lagu sugayo amniga dadweynaha.

Kooxda Al-shabaab ayaa weeraro horey ugu gaystaey gudaha dalka Kenya kuwaasoo dad badan ku dhinteen.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM