Tobanaan lagu dilay dagaal dhexmaray ciidamo iyo Al-Shabaab

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Tobanaan ayaa ku geeriyootay dagaal dhexmaray ciidanka Soomaaliya iyo Al-Shabaab, Isniinta maanta ah.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warameysa in 20 kamid ah Al-Shbaab lagu dilay, 30-kelana lagu dhaawacay intii uu socday iska hor-imaadka.

Is-rasaaseynta ayay askarta ku qabsadeen Goofgaduud oo ku dhow Baydhabo, oo ah magaalo 250 KM dhanka Koonfur Galbeed ka xigta Muqdisho.

"Ciidamadda dowladda waxay dib u qabsadeen tuulada markii ay Al-Shabaab si kooban u haysatay saacado," ayuu yiri qof kamida dadka degaanka.

Dhinaca kale, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida oo guulo ka sheegatay isku dhaca ayaa tibaaxday in ay dishay saraakiil kuna furatay saanad.

Goofgaduud ayaa qiyaastii 30 KM dhanka Galbeed ka xigta caasimadda ku meel gaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Sikastaba, Al-Shabaab ayaa joogitaan badan ku leh gobolada hoostaga Koonfur Galbeed, wallow ay socdaan howlgalo balaran oo la doonayo in lagu cirib-tiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM

Mareykanka oo taageerada AUSSOM u joojinaya fashilka dagaalka Al-Shabaab iyo horumar la’aanta amniga Soomaaliya

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Ergeda Mareykanka ee Midowga Afrika, kuna taariikheysan 1-da Luulyo 2026.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:25AM