Tuhun ka dhashay darawalka Xildhibaan oo "ku biiray" Al-Shabaab

Image
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in uusan "wali aaminin" hadalka kasoo yeeray shaqsigan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shaki xoogan waxa uu ka muujiyay xaaladda darawalkiisa oo cod ay Al-Shabaab faafisay ku sheegay in uu ku biirey maleyshiyaadka hubeysan.

Wareysi uu siiyey VOA-da ayuu guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Cabdiraxmaan ku shaaciyey in in codka laga duubay darawalkiisa Xasan Maxamed Xuseen uu ka muuqday "khalkhal badan".

Mursal oo haatan ka maqan waddanka ayaa sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftey tibaaxay in uusan garanaynin sababta rasmiga ah ee Xasan ku kalifi karta in uu Al-Shabaab ku biiro.

"Way igu adag tahay in uu rumeysto in afar sano oo uu dowladda ku jirey uu hadda yiraahdo Alshabaab ayaan niyadda ka taageersanaa," ayuu hoosta ka xariiqay Mursal.

Xildhibaan Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuux-nuux-sadey in ay habboontahay in laamaha ammaanka loo dhaafo in ay baaraan, kana sal gaaraan kiiska ninkani.

Darawalkan ayaa mas’uulkan kala soo jaanqaaday wasaaradda gaashaandhiga xiligaas oo uu Mursal ahaa wasiirka gaashaandhiga, wuxuuna usoo raacay baarlamaanka markii Mursal uu noqday guddoomiyaha baarlamaanka, halkaas oo galaangalkiisa iyo aaminaada loo hayo ay korortay, una suurtogashay in uu si sahlan ku dhaafo jid gooyo kasta.

Lama oga inta weerar ee uu horey u fududeeyay, balse waxaa la sheegay in uu isaga ahaa qofkii ugu muhiimsanaa ee fududeeyay weerarkii Villa Rosa ee lagu dhaawacay wasiirka amniga Dr Maxamed Doodishe, kaas oo illaa hadda xaaladiisa caafimaad aysan fiicnayn.

Sheegashadda darawalka Mursal ayaa sababtey tuhun weyn oo laga muujiyo darawalada iyo ilaalada qaaska ah ee mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo haatan hubin ay ku socoto.

Hotelkan ayaa waxa uu shir uga socday siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo, wuxuuna shirka u qorsheysnaa muddo seddex maalmood ah iyada oo looga hadlayay mustaqbalka gobolka Gedo iyo heshiis lala gaaro Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM