Tuhun ka dhashay nin ajnabi ah oo diyaarad qaas ah siiyay Xasan Sheekh

Image
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa illaa haatan ka jawaabin su’aallaha kasoo laabtay sheekaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa diyaarad gaar ah adeegsanayay dhowrkii safar ugu dambeysay, sidda uu kashifay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa daaha ka qaadey in diyaaraddan uu leeyahay nin ajnabi ah balse ma uusan shaacin wadanka uu kasoo jeedo. Hase ahaatee, dhowr su’aallo ayuu is-waydiiyay.

“Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud diyaarad qaas ah ayuu safaradii ugu dambeeyay. Nin ajnabi ah ayaa iska leh. Lama yaqaano waxa uu uga badashay? Xataa haddey deeq tahay maxaa looga badashay Ileen qof bilaash wax kuugu siinaya ma jirtee? Haddii la kireeyay xataa waa in la caddeeyaa?,” ayuu u sheegay BBC-da.

Dhanka kale, Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa illaa haatan waxa aysan ka jawaabin hadalka kasoo yeeray Xildhibaanka. Isku-dayo xiriir oo warsidaha Garowe Online uu la sameeyay ayaan guuleysan.

Tuhunka la xiriira in Xasan Sheekh uu adeegsanayo diyaarado qaas ah ayaa si weyn usoo shaac-baxay markii dhowr dal Yurub ah uu safaro taxano ah ku maray bishii lasoo dhaafay markaas oo la arkayay isaga oo adeegaanaya diyaarad gaar ah.

Sikastaba ha ahaatee, diyaaradaha gaarka ah ee madaxda adeegsadaan waxaa loo kireeyaa saacad saacad, waxaana qiimaha halkii saac uu u dhaxeeyaa $3,500 ilaa $18,000 iyadda oo ay ku xiran tahay nooca diyaaradda, rakaabka iyo mudada ay shaqeyneyso diyaarada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra'iisul Wasaare Xamza oo safar ugu ambabaxay dalka Iraq

Booqashada Ra’iisul Wasaare Barre ee dalka Ciraaq ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka sare u qaadida xiriirka labada dal.

  • Soomaliya

    04-07-2024

  • 09:25AM

Soomaaliya oo Sacuudiga ka codsatay taageero dhanka caafimaadka

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Safaaradda Sucuudiga ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    04-07-2024

  • 05:04AM