Turkiga oo dalalka Afrika ka caawinaya ka hortagga Ebola

Image

January 26, 2015 (GO)- Madaxweynaha Turkiga Rajep Dayyib Erdogan ayaa ka hadlay caabuqa halista ah ee EBOLA oo saamayn adag oo caafimaad ku yeeshay dalal ka tirsan Qaaradda Afrika, wuxuuna balan-qaaday in ay Afrika caawin doonaan.

Erdogan oo shalay booqday magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay in dowladiisu ay taageero siinayso dalalka Afrika ee uu EBOLA saameeyey, si loo hakiyo halista.

Wuxuu sheegay in ay si gaar ah u caawin doonaan dalalka ay mashaariicda horumarineed ka wadaan oo ay Soomaaliya ugu horayso, iyadoo ujeedaduna tahay in laga hortago xanuunka oo ka jira dalalka galbeedka Afrika oo qaarkood ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Erdogan wuxuu Balanqaadkan sameeyey xili uu shalay xarriga ka jaray mashaariic dhisme iyo kuwa caafimaad oo ay ka fuliyeen Muqdisho Soomaaliya. Cisbitalkii hore loo oran jiray Digfeer hadase ah Ergogan Hospital oo la dhisay lana horumariyey adeegyadiisa ayaa ka mid ah mashaariicdaas.

Bariga Afrika ayaa safka hore kaga jira meelaha cabsida ka qaba inuu ku soo faafo EBOLA, adeegyadooda caafimaad oo hooseeya iyo isu-socodka ay la leeyihiin Afrikada kale oo badan darteed. In ka badan 8000 oo qof ayaa cudurka ugu geeryiooday galbeedka Afrika gaar ahaan dalka Sierra Leone.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgalka AUSSOM oo laga cabsi-qabo inuu burburo

Sida laga soo xigtay Youssouf, farqiga maalgelinta ayaa gaaray $180 milyan inkastoo taageero ay ka heleen dhowr saaxiibadood.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 11:52AM

Soomaaliya iyo Uganda oo Saxiixaya Saddex Heshiis iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Kampala

Guddigan JPC ayaa la aas aasay sanadkii 2022 si loo dardargeliyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 06:23AM