Turkiga oo lagu eedeeyay in uu ku tuntay xayiraada hubka Soomaaliya

Image
Guddiga khuburada Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Ankara ay diyaarado hubeysan ka dejisay Muqdisho.

ISTANBUL, Turkey - Baareyaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Turkiga uu ku xad-gudbay cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran Soomaaliya "kadib markii uu Muqdisho ka dejiyey diyaarado hubeysan wargelin la'aan".

Sida laga soo xigtay guddiga khubarada arrimaha Soomaaliya, Ankara ayaa Muqdisho geysay diyaaradaha drones-ka ee Bayraktar oo ay farsamaysay shirkad ay leeyihiin qoyska madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

Warbixinta guddiga ayaa lagu xuay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu geeyay Muqdisho December 6, 2021 laba diyaaradood oo nooca xamuulka qaada ah ee Airbus A400M oo ay maamulaan ciidamada cirka Turkiga.

"Dowladda Turkiga waxay ku guuldareysatay inay Qaramada Midoobay ka codsato ogolaanshiyo ka hor inta aysan dirin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sidda uu qeexayo qaraarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay," ayay raaciyeen.

Ankara oo u jawaabtay guddiga ayaa ku andacoonaya in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay geeyeen saldhigga Turkiga ee Muqdisho, "ujeedkuna uu yahay ka qeyb qaadashada dagaalka lagula jiro argagixisada".

"Hase ahaatee, Turkiye waxay ku wargelisay guddida in aysan Soomaaliya soo gaarsiin nooc kasta oo ka mid ah gaadiidka dagaalka ee aan duuliyaha wadin," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warbixinta guddiga.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in saraakiil Soomaali ah ay tababar ku saabsan habka loo isticmaalo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaateen dalka Turkiga horraantii bishii Maarso ee sannadkii 2021-ka.

Tafaasiisha ayaa intaas ku dartey in saraakiishan ay gacanta ku hayeen shanta diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah. Tani waxay soo afjartey sheegashada Ankara ee ah in diyaaradahan ay maamulaan saraakiil Turki ah.

Turkiga ayaa si isdaba joog ah waxa uu uga soo dhex-muuqanayey warbixinadda guddiga Qaramada Midoobay sanadihii ugu dambeeyay xadgudubyada hubka ee Soomaaliya.

"Shirkad dhinaca badda ah oo fadhigeedu yahay dalka Turkiga ayaa bishii April 2021 soo gaarsiisay Soomaaliya gaadiid dagaal, iyadoo aan UN-ka ku wargelin inay u hoggaansami doonaan shuruudaha cunaqabateynta," ayay warbixinta raacisay.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar waxaa soo saaray shirkadda Istanbul Baykar Makina Sanayi ve Ticaret Anonim Şirketi (Baykar), kaas oo uu maamulo wiilka uu soddogga u yahay Erdogan ee Selçuk Bayraktar.

Shirkadda ayaa qandaraasyo waaweyn la gashay dowladda Turkiga iyo sidoo kale dalal shisheeye, sababtoo ah taageerada ballaaran ee ay ka hesho Erdogan, oo u ololeeya iibinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga iyo sidoo kale dalal kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo heshiis cusub Qaahira kula galay Al-Siisi

Heshiiskaas ayaa ku saabsanaa iskaashiga dhanka amniga, ganacsiga, iyo arrimaha xuduudaha, gaar ahaan ka hortagga falalka argagixisada.

  • Soomaliya

    23-01-2025

  • 02:29PM

Cirro oo Mushahaarka u kordhiyay Ciidamada Somaliland

Madaxweyne Irro ayaa sidoo kale ballanqaaday in la hagaajin doono xirfadaha iyo awoodda ciidamada Somaliland.

  • Soomaliya

    23-01-2025

  • 09:36AM