Turkiga oo lala xiriiriyey xasiloonida darada iyo argagixisada Soomaaliya

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa ku eedeysay Turkiga in uu taageero u fidiyo kooxaha hubeysan ee dagaalka kula jira Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Caadil Al Jubeyr, wasiirka arrimaha dibada Sacuudiga, ayaa sheegay in Ankara ay argagixisada Soomaaliya ku garab siiyo taageero maaliyadeed, "iyadoo u marineysa mashaariicda".

Al Jubeyr oo wariyeyaasha kula hadlay Bucharest, caasimada Romania, ayaa ku waaniyey maamulka Recep Erdogan in uu ka baaqsado "arrintaas oo xoojineysa xasilooni darada".

"Turkiga waa in uu joojiyaa duulaanka uu ku hayo Soomaaliya, Libya iyo Suuriya iyo taageerada maleeyshiyaadka dalalkaas. Waa in uu ka baxaa dalalkaas Carbeed si ay uga soo kabtaan dhibaatada," ayuu ku daray, isagoo aan soo bandhigin caddeymo xoojinaya eedeyntiisa.

Turkiga ayaa kamid ah dalalka saaxiibada dhow la ah xukuumadda Nabad iyo Nolol tan iyo doorashadii 8-dii Febraayo 2017, taasoo uu kusoo baxay madaxweyne Farmaajo.

Wallow ay jirto cabasho, Turkiga ayaa haatan maamula kaabeyaasha dhaqaale ee dalka sidda garoonka diyaaradaha iyo dekada Muqdisho, halkaasoo ay ka timaado lacagta ugu badan.

Ankara ayaa haatan wada dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, wallow ay hakad geliyeen weeraro ka yimid Al-Shabaab oo ku eedeysay Turkiga "boobka kheyraadkeena".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM