Turkiga oo Soomaaliya ka dhisaya saldhig laga tijaabiyo gantaaladaha

Image
Turkiga ayaa in muddo ah ku taamayay in uu ka mid noqdo tartanka hawada sare.

ANKARA, Türkey —— Warbixin ay soo saartay Bloomberg ayaa lagu sheegay in Turkiga uu Soomaaliya kala xaajoonayo sidii loo samayn lahaa goob lagu tijaabiyo gantaalada hawada sare loo diro.

Barnaamijka gantaalaha ballistic-ga ah ee Ankara (caasimada Turkiga) waxa uu u baahan yahay tijaabo fog, halka Soomaaliya oo ku taallo cidhifka bari ee dhul weynaha Afrika ay ku habboon in laga rido gantaalaha dhinaca badweynta Hindiya.

Soomaaliya ayaa sidoo kale ku dhow dhulbaraha, taas oo ka dhigaysa goob ku habboon in hawada looga duulo, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo. Tijaabada u dhow dhulbaraha waxa kale oo ay gacan ka gaysan kartaa kor u qaadida baaxada iyo hufnaanta gantaalada hawada.

Turkiga ayaa in muddo ah ku taamayay in uu ka mid noqdo tartanka hawada sare ee dhaqan ahaan ay u badan yihiin quwadaha caalamka, waxaana muddo sanado ah soo socday qorshaha lagu ridayo gantaalada.

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Axmed Kooshin, ayaa sheegay inaysan waxba kala socon heshiis noocaas oo kale ah oo ay la galeen Turkiga. 

“Turkiga ayaa ka shaqaynayay kordhinta tirada gantaallada ay gudaha ku sameeyaan ee Tayfun oo gaaraya ilaa 560 kiiloomitir (350 mayl),” ayuu yiri madaxweyne Recep Tayyip Erdogan 2022-kii.

Sidoo kale, goobta la qorshanayo in gudaha Soomaaliya uu Turkiga ka gano gantaalada waxay meesha ka saaraysaa khatarta qashinka ku dhacaya meelaha la deggan yahay iyo dalalka kale, sidda ay sheegeen ilo-wareedyadu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM