Turkiga oo Soomaaliya ku marqaati furay tuhun horey loo qabay

Image
Heshiiskan waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa kulanka dhawaan ka dhacaya Ankara.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in Itoobiya ay ogolaatay inay ixtiraamto madax bannaanida Soomaaliya, labadaba dhinaca dadka iyo dhulka.

Arrintan waxay ka dhigan tahay in laga noqday is-afgaradkii hore ee dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay ogolaatay inay Itoobiya siiso marin badeed, iyadoo heshiiskaan ay saxiixi doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).

Heshiiskan waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa kulanka dhawaan ka dhacaya Ankara, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan.

Heshiiskan wuxuu caddaynayaa tuhun horey loo qabay oo ahaa in Dowladda Federaalka ay wax ka ogayd heshiiskii u dhexeeyay Somaliland iyo Itoobiya, balse ay diidday qaar kamid ah shuruudaha heshiiskaas.

Heshiiskaan ayaa yimid maalmo kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ay ku kulmeen dalka Jabuuti oo uu marti geliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Dhanka kale, dhaliilayaasha dowladda ayaa aaminsan in buuqii iyo sawaxankii siyaasadeed ee dowladda Federaalka uu ahaa mid loogu talo galay in lagu khaldo ra’yiga shacabka. Ka dhiibo fikirkaaga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM